Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sabtidii booqasha ku tagay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka uu kala hadlay Arrinta Dekedda Berbera.
Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeesheey Amiirka awoodda badan ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan.
Wuxuuna Abiy uu Amiirka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen madaamaa Itoobiya ay laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheedea uu si weyn u saameeyey dagaalka waqooyiga dalkaasi ka socda, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi Imaaraatka.
Wargeyska The Jordan Post oo faalo ka qoray booqashada Abiy uu ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay labada dhinac in loo badinayo iney ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin: Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda, soo afjariddiisa sidii ay isaga kaashan lahaayeen, Iney iska kaashadaan horumarinta Wajaale ilaa iyo Berbera si ay Itoobiya Dekaddaasi uga faa’ideysato iyo Dagaalka Imaaraadka uu Xuutiyiinta kula jiro sidii ay Itoobiya uga heli lahayd saldhigyo ay diyaaradaheeda ka duqeeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.
Wargeyska waxaa kale uu sheegay Imaaraadka dhankeeda marka laga reebo saldhig ciidan ay dooneyso iney wax soo saarka beeraha Itoobiya ka faa’ideysato ayna maalgashato beeraha dalkaasi.
“Abiy Wuxuu Imaaraadka uu doontay taageero dhaqaale uu ku hormariyo adeegyada aasaasiga ah ee Wajaale ilaa iyo Dekadda Berbera si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekaddaasi,” ayuu yiri Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha badda cas iyo bariga Afrika.
Waxaa dhawaan la daahfuray wejigeedi koobaad ee ballaadhinta dekedda Berbera taasoo ay gacanta ku haysay shirkadda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.
Saamiga Dekadda Berbara?
Heshiiska Dekadda Berbera oo soo billaambay 2016-kii wuxuu ahaa seddex geesood, iyada oo heshiiskaasi ay ansixisay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Heshiiskaas ayaana dhigayey in shirkadda DP World ay saamiga dekadda yeelanayso 51% boqolkiiba, Somaliland-na ay yeelayanayso 30% boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskaasi oo soconaya muddo 30 sanadood ah.
Hase yeeshee, Somaliland bishii la soo dhaafay waxay sheegtay iney Itoobiya wax saami ah ku lahayn dekedda Berbera uuna burburay saamigii 19% ka ee ay lahayd.
Wasiirka Maaliyada Somaliland DR. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga 19% uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.
Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee uu baahiyo muuqbaahiyaha Horyaal, ayaa sheegay in Somaliland iyo DP World oo kali ahi, ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya aanay waxba ku lahayn.
“Saamiga shirkada DPworld Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland 35% ayay leedahay DPworld-na 65%, heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yidhi Wasiir Shire.
Saamiga Itoobiya ee Berbera waxaa dhanka sharciga turjumaad ka bixinaya Abukaate Sakariye oo ah sharciyaqaan falanqeeya arrimaha Geeska Afrika, BBC-da ayuuna la hadlay mar sii horeysay, isaga oo yiri “Dhinaca Itoobiya, markasta si qaldan ayaa loogu celceliyaa, dadka in ay wax fahmaan ayaa fiican, DP World iyo Somaliland ayaa heshiiska wada galay, kadibna DP World ayaa saamigeedii ka gadday Itoobiya, marka labada dhinac ee jira ee asal ahaan heshiiyay waa Somaliland iyo DP World, haddii markaas DP World uu heshiiskeeda sharci noqdo, markaas ayuu kan Itoobiyana sharci noqonayaa, haddii uusan noqon waayana Itoobiya jid u furan maba lahan”.
Xiriirka Itoobiya iyo Imaaraadka
Itoobiya oo ka mid ah waddamada saboolka ee qarradda Afrika oo ay dadka ugu badan ku nool yihiin, sanadihi u dambeeyey waxay xiriir adag ay la lahayd dalka qaniga ee Imaaraadka oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 10 malyan oo qof.
Xiriirka u dhaxeeya Abu-Dabi iyo Addis Ababa ayaa xoogeystay wixi ka damneeyey marki u Abiy Axmed uu hoggaanka u qabtay dalka Itoobiya.
Muddadi uu xiriirka labada dhinac uu sii xoogeysanayey Imaaraadkana wuxuu dalka Itoobiya uu ka caawiyey dhaqaalaha iyo dagaalka ay dowladda dhexe la gashay fallaagada TPLF.
Imaaraadka ayaana la rumeysan yahay inuu saanadda ciidanka uu Itoobiya ka caawiyey gaar ahaan diyaarado aan duuliyaha lahen oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa sahanka.
Dadka u dhuundaloola arrimaha militariga geeska Afrika waxay sheegeen Itoobiya haddii ay taageero ka heli laheen Imaaraadka iney dagalka gobolka Tigray ay guushan degdegga ah ay gaarteen.
Baahida dhanka Dekadaha ee Itoobiya
Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo.
Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.
2018-kii waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World iyo Somaliland wada galeen heshiis ay shirkadda ku maamulayso dekada.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda DP World ay saamigeeda kasii iibisay Itoobiya, taasna ay xaq u leedahay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkasta oo aysan si toos ah uga hadlin saamiga Itoobiya, ayay gabi ahaanba ka hor timid heshiiska dekeda Berbera, iyada oo xitaa baarlamaanka uu meelmariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World, islamarkaasna lagu laalayo heshiiska.
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 2018 maruu ka hadlayey Dekadaha isticmaalkooda wuxuu yiri: “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.
Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay 2018-kii ku heshiiyeen iney iskaashi dhaqaale oo dhinac walba leh ay yeeshaan iskaashigaasi oo uu ka mid yahay iney Itoobiya ay maalgeliso afar dakadood oo ku yaalla Soomaaliya si ay u itsicmaasho, balse dowladda Federaalka ayaa sheegtay iskaashi dhaqaale in lagu heshiiyey balse ay jirin heshiis laga gaaray Dekado ay itoobiya maalgashi ku sameyneyso.