Ingiriiska: Laf bini’aadam oo 5,000 oo sano jirta oo laga helay webi

laf dad 5000 sano jirtay

Lafaha bini’aadamka ee uu helay nin doon waday ayaa waxay noqon doontaa mid ka mid ah alaabaha ugu da’da weynaa ee laga soo saaro webiga Thames ee magaalada London.

Simon Hunt waxa uu lafahaan qadiimiga ka heley webiga , waxaana la sheegay in lafahani ay sanad ahaan jiraan 5,000 oo sano ah ka badan. waxa uuna isla markiiba gartay in ay ka tahay laf bani-aadam taasi oo cabsi badan galisay.

“Waxay u muuqatay mid qadiimi ah, laakiin mar ayaan ku fikiray amaysan ahayn qadiimi ?” Ayuu yiri Simon.

“Ma garanayo sida laftu u ekaan lahayd haddii ay biyaha ku jiri lahayd laba sano oo keliya, markaa ka waran haddii ay taasi dhici layd?”

Simon, oo ah naqshadeeye, ayaa arkay lafaha isaga oo sii galayay doontiisa . Markaas ayuuna go’aansaday inuu soo guro, wuxuuna qaaday iyadoo dooxaysa oo ka rogeysa wabiga si uu u soo qabto.

.

Bac cad

Kadibna laftii waxa uu ku riday bac cad, waxa uuna u soo qaaday gurigiisa si uu u tuso xaaskiisa, isaga oo sita oo ay indhaha ku hayaan dadka jidka marayey.

Wuxuu wacay booliiska, kuwaas oo ka codsaday inuu tuso halka uu ka helay lafta bowdada si ay u baaraan. Si kastaba ha ahaatee markii ay saraakiishu webiga tageen, waxaa u suura geli weysay inay biyaha dhaafan maadama ay mowjadda isbadeshay.

Saraakiisha booliisku waxay u direen lafta shaybaarka. Simon waxa uu ku qasbanaaday in uu dhawr bilood sugo ka hor inta aanay booliisku wicin oo ay ka codsan in uu bac keeno saldhiga si uu uga qaado lafta.

‘Qiyaas halka ay ka timid’

“Waxay ii sheegeen inay qadiimi ahayd oo ay muddo dheer halkaas taalay, waxayna iga codsadeen inaan qiyaaso goorta ay ka timid,” ayuu yiri Simon.

.

Dhab ahaantii waxay ka timid qof noolaa dabayaaqadii xilligii Neolithic ee British. Khubaradu waxay taariikhda ku sheegaan inta u dhaxaysa 3516 iyo 3365 BC.

Khabiir dhanka cilmiga qadiimiga ah ayaa ku qiyaasay dhererka qofka laftan iska lahaa 170cm (5’7″).

Suurtagal ma ahayn in la kala sheego inay lab ama dhedig yihiin.

Lafta ayaa ka weyn labadaba xilli ee Neolithic ee British iyo Masar ee Ahraamta Giza.

.

“Dadku waxay ii sheegeen inay la yaab tahay inaan London ka helay laftan qadiimga ah, laakiin waa inaan xasuusannaa inaysan London jirin markaas,” ayuu yiri Simon.

“Waxay ila tahay inay ku jirtay dhoobo ama shay kale, maadaama si wanaagsan loo xafiday.

Neolithic Britain waxay horseeday imaatinka dhaqanka beeralayda, maadaama muhaajiriintu ay farsamooyin iyo qalab ka keeneen qaaradda Yurub.

Lafta

Matxafka London, oo Simon uu rajaynayo inuu noqdo meesha ugu dambeysa ee lafahan lageeyo, wuxuu leeyahay qayb ka mid ah madaxa Neolithic oo ku taariikhaysan 3645 iyo 3600 BC.

Matxafku wuxuu sheegay inuu yahay mid ka mid ah waxyaalihii ugu da’da weynaa ee laga soo saaray wabiga Thames .

“Runtii kama fikirin meesha aan gayn lahaa, balse waxay noqon doontaa meel aanay bisad ka dhawaynn,” ayuu yiri.

“Waxaan rabaa inaan xafido sababtoo ah laftana waaa mid bini’aadam.

“Laftani waxay qayb ka ahayd lugt qof, dhintay kaasoo ku noolaa halkan in ka badan 5,000 oo sano ka hor.”

.

Arrintan webiga Thames waxay caddaysay inuu yahay kayd la hubo oo leh farshaxanno taariikhi ah, dadka raadinaya alaab qiimo ah oo webiga agtiisa ka raadiyay – waxay ka heleen waxyaabo badan oo hadda yaala Matxafka London.

Caasimadda London, waxaa looga baahanyahay inay shatiga alaabahan bixiyaan ayna la wadaagan maamulka Dekedda London. Waa sharci-darro in la qaato ama la soo saaro webiga iyo xeebta alaab-farshaxanno nooc kasta ah oo la iska isticmaalo.

Balse ,Simon waxa uu gudanayay waajibaadkiisa muwaadinimo, ilaa hadda cidina sharci darro kuma tilmaamin inuu lafta soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here