Ciidamada HARAMCAD oo dagaal ku dilay taliyihii saldhigga Beledweyne

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Beledweyne uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee la geeyey halkaasi.

Iska hor imaadka ayaa ka qarxay gudaha saldhigga Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ciidamada Haramcad ay ku dileen taliyihii saldhigga booliska Beledweyne  Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) oo ku sugnaa saldhigga, xilliga ay dhaceysay is-rasaaseynta u dhexeysay labada ciidan.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, waxaana jirtay in siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay horey uga soo horjeesteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee hadda dilka geystay, kuwaas oo doorashada darteed loo geeyey halkaasi.

Si kastaba, arrimahaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo heshiis la gaaray reer Beledeyne, kaddib kulamo is-daba joog ah oo ka dhacay xarunta Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here