Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Baledweyne

Beledweyne

Warrarka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar is qarxin ah lagu qaaday makhaayad bartamaha magaalada ku taala oo la yiraahdo Xasan Dhiif, halkaas oo dad badan ay ku shaahaynayeen.

Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay maydad iyo dhaawacyo fara badan oo goobta daadsan.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan goobta qaraxu ka dhacay, waxana socda gurmad loo samaynayo dadka dhibaatadu ku dhacday.

Beledweyne waxay isu diyaarinaysaa maalinta berito ah, inay ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here