Odayaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo R/W Rooble kala hadlay doorashada iyo abaaraha

odayaasha gedo iyo rooble

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa ay kala hadleen arrimo khuseeya gobolkaas, oo ay ka mid yihiin abaaraha gobolkaasi halakeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku eedeeyeen dowladda Kenya iyo arrimaha doorashada.

Labada dhinac waxa ay si gaar ah diiradda u saareen arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaareey ee uu ka taagan yahay khilaafka xooggan.

Nabadoon Cabdinaasir Maxamed Sheekh Faantooy oo kamid ah cuqaasha la kulantay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa BBCda u sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen iskuna afgarteen in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey.

“Waxaan isku afgarannay in Garbahaarey lagu qabto doorashada, markaan ra’iisul wasaaraha ugu tagnayna waxa uu yiri waan qabanahayaa wayna ka dhacaysaa” ayuu yiri Nabadoon Cabdinaasir.

Nabadoonku waxa uu intaasi ku daray inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey, maadaama ra’iisul wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada uu u ballanqaaday in doorashada la qaban doono.

Dowlad Goboleedka Juballand oo ku doodaya in doorashada aanay ka dhici karin Garbahaarey

Maamulka Jubaland ayaa ku doodaya in Garbahaareey aanay doorasho ka dhici karin, maadama ay gacanta ugu jirto ciidamada federaalka.

Hadalkan ayaa waxa uu ka soo baxay kulan la sheegay in magaalada Kismaayo uu ka socday 12-kii iyo 13-kii bishan Febraayo markaas oo isugu yimaadeen mas’uuliyiinta golaha fulinta iyo kan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland
Qoraalka sawirka,Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland

Shirkaas oo uu gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waxa ay madaxdu isla garteen in doorashada aanan lagu qaban karin Garbahaarey maadaama sida ay sheegeen ay tahay “deegaan doorashada kaliya ee aan lahayn maamul ku dhisan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka kulankaas ka soo baxay ayaa lagu sheegay in “marka la eego baaxadda iyo mugga caqabadaha ku xusan war-saxaafadeedka [ay soo saareen], ay u muuqato in xallintooda u baahan tahay waqti dheer oo ka badan kan hadda la haysto.”

Maamulka Gedo oo ku adkaysanaya in doorashada ay Garbahaarey ka dhacayso

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed, oo BBCda u warramay ayaa gaashaanka u daruuray hadalka ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland, isagoo sheegay in Garbahaarey ay u diyaarsan tahay doorashada inay ka dhacdo.

Gudoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle
Qoraalka sawirka,Gudoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle

Mar uu ka jawaabayay bayaalka Jubaland waxa uu yiri “Hadalkaas waxaan u aragnaa mid waqtigiisa aanan gaarin, oo ay soo saareen niman waxa Jubaland ka jira xog ogaal u ah oo indhaha iskatiraya, sharcigana baal marsan baan aaminsanahay inay yihiin.”

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

Axmed Buulle ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

Sida ay illaa hadda wax u socdaan

Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo kuraas badan ka doortay oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba konton iyo shan.

Isniintii ayaa la doortay saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Golaha Shacabka. Doorashadu waxay qaadatay saddex billood iyo 20 maalmood.

46 xildhibaan ayaa la doortay kuwaas oo Gobollada Waqooyi ku matali doona Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka. 23 xildhibaan ayaa ku cusub Barlamaanka, halka 23 kale ay horey uga tirsanaayeen Golaha.

46 xildhibaan ee la doortay waxa dumar ka ah 13.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobollada Waqooyi ayaa noqonaya Guddigii ugu horeeyay ee soo gabagabeeya doorashada xildhibaannada ee Gobollada, kahor waqtiga loo qabtay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo oo ah 26 ka bishan Febraayo.

Halka todobaakii hore ayey aheyd markii amays tiray doorashada 26-kii kursi ee deegaan doorashoodii ayhad magaalada Baraawe ee Koofur Glabeed Soomaaliya waxaana uu maamulkani noqnayaa maamulkii ugu horreyay ee soo idleeya doorashada deeegaan doorashadooda labaad inkastoo ay jireen cabashooyin ka soo baxayay musharxiin kuraastoodu tiilay Baraawe oo qaarkood sheegayba in laga hor istaagay in ay halkaa tagaan.

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka muddada u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay horay ugu andacoodeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here