Colaadda Ukraine: Arrin ay Nato aad uga baqeysay oo uu Ruushka sameeyay

missile russia

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray militariga inay heegan gaar ah geliyaan ciidamada gaarka ah ee qaabilsan hubka Nukliyeerka.

Kulan uu la yeeshay madaxda gaashaandhigga Kirimlinka, wxuu Putin sheegay in waddamada reer galbeedka ay qaadeen tallaabooyin aan saxibtinimo aheyn oo ka dhan ah Ruushka ah.

Waxaana ka mid ahaa tallaabooyinkaas waxa uu ugu yeeray cunaqabatayn dhaqaale oo sharci darro ah kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Putin ayaa sheegay in ciidammada gaarka ah ee Nukliyeerka la gelin doono heegan sare sababtoo ah saraakiisha ugu sareysa Nato ayaa ogolaatay in la adeegsado “hadallo gardarro ah” oo ku wajahan Ruushka.

Wuxuu ku amray wasiirka gaashaandhigga Ruushka iyo taliyaha guud ee ciidamada militariga inay heegaan khaas ah geliyaan ciidamada gaarka ah ee dagaalka ee qaabilsan hubka Nukliyeerka.

Arrintani waxay astaan u tahay in madaxweyne Putin uu ka carooday cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka ee reer galbeedka iyo cambaareynta joogtada ah ee dalkiisa uga imaanayo dhinaca gaashaanbuurta Nato.

Waxaa hubaal ah in tallaabadan ay indhaha ku hayaan dalalka reer galbeedka, Xiisadda noocan oo kale ah ayaa ah midda ay horay ua baqayeen saraakiisha militariga gaashaanbuurta Nato, waana sababta ay isbahaysiga marar badan ugu dhawaaqeen inaysan ciidamo u diri doonin Ukraine balse ay ka caawin doonaan iska caabinta ka dhanka ah duullaanka Ruushka.

Laakiin weerarka Ruushku ma aha mid gebi ahaanba qorshaysan. Xilli duulaanka Ruushka uu galay maalintii shanaad, ma jirto hal magaalo oo weyn oo ka tirsan Ukraine oo ku jirta gacanta Ruushka.

Ruushka wuxuu u muuqdaa in uu khasaare xooggan kala kulmaya dagaalka.

Tani waxay xukuumadda Moscow u horseedi doontaa niyad jab iyo dulqaad la’aan, waxaana adag inay dhacaan wadahadallada lasoo jeediyay ee Ruushka iyo Ukraine ku dhexmari doono si xabadda loo joojiyo.

Putin wuxuu doonaya in Ukraine aya gacantiisa soo gasho halka madaxweyne Zelensky uu doonayo in xukuumaddiisa ay ahaato mid madaxbanaan.

Haddaba iyadoo soo baxday digiinta Ruushka ee reer galbeedka ee ah inay dib u gurtaan, waxay u badan tahay in maalmaha soo socda uu Ruushka qaadi doono weerar xooggan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu waxyeello badan u gaysta dadka rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here