Wararkii u danbeeyay ee doorashada Golaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya

doorasho soomaaliya

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 275 ayaa ilaa iyo hadda la doortay 248 xubnood oo u dhiganta 90%.

27 kursi ayaa weli ka harsan guud ahaan doorashada Kuraasta Golaha Shacabka, waxaana 11 kursi ku dhiman yihiin Hirshabeelle, halka Jubaland ay harsan yihiin 16 kursi oo yaalla magaalada Garbahaarrey.

Kuraasta Garbahaarrey, waxaa ka taagan khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo weli ku heshiin la’ sida loo qaybsanayo 16-ka kursi.

Maamullada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa soo dhammaystiray doorashada, iyadoo sidoo kale la geba-gabeeyay Kuraasta Banaadiriga iyo tan Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here