Hadalka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee uu hawadda umariyay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, kaasi oo ah in Putin”uusan sii hayn karin xukunka Ruusha” ayaa dhalisey dhaleeceyn xooggan oo uga timid dublamaasi Mareykan ah oo ruug-caddaa kaasi oo lagu magacaabo Richard Haass.
Waxaa uu sheegay in hadaladda madaxweyne Biden ay “xaaladda ka dhigtay mid aad u adag iyo khatar ah.” ayuu bartiisa twitterka ku soo qoray Mr Haass, oo ah madaxa golaha xidhiidhka dibadda ee Maraykanka.