Galmudug oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee doorashada

calanka galmudug

Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Galmudug ayaa sheegtay inay ka xuntahay in doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici karta dhameystirka doorashooyinka.

“Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here