Ururka al-Qaacida ayaa shaaciyay muuqaal laga arkayo hoggaamiyahooda, Ayman al-Zawahiri, kaasoo caddeyn u ah in uu nool yahay.
2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii, ayaa Ayman al-Zawahiri laga dhigay hoggaamiyaha ugu sarreeya al-Qaacida kaddib markii ay ciidamada Mareykanka dileen aasaasihii ururka, ahaana hoggaamiyahooda, Cusaama Bin Laadin.
Cusaama waxaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Abbottabad oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.
Dr. Ayman al-Zawahiri ayaa muddo dheer soo ahaa ku xigeenka Cusaama Bin Laadin, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii (oo loo yaqaanno weerarradii 9/11).
Amaanta gabadha
Muuqaalkan ay dhawaan shaaciyeen al-Qaacida ayuu Al-Zawahiri ku amaanayaa gabadh ardayad ah oo lagu magacaabo Muskan Khan, oo u dhalatay dalka Hindiya.
Ardayaddan oo kasoo jeedda gobolka Karnataka ayaa dhowr isbuuc ka hor warbaahinta qabsatay kaddib markii uu cirka isku shareeray muranka la xiriira xijaabka.
Sanadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay warar sheegayay in hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri uu u geeriyooday xanuun uu muddo la il darnaa.
Hase yeeshee muuqaalka cusub ee ay sii daysay shabakadda ayaa lasoo saaray 5-tii bishan April, waxaana lagu arkayaa Ayman al-Zawahiri oo isagoo la maqli karo ka hadlaya arrin dhacday 8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka.
Ardayadda u dhalatay Hindiya
Muuqaalkan cusub ayuu Zawahiri ku xusay magaca Muskan Khan, oo ah gabadha Muslimka ah ee kasoo jeedda Hindiya.
Intii ay socotay doodda Xijaabka ee muranka badan ka dhalisay gobolka Karnataka, Muskan Khan waxay kusoo caan baxday muuqaal ay kasoo muuqatay iyadoo ku dhawaaqaysa “Allahu Akbar” xilli ay rag badan ku mudaharaadayeen dharkeeda asturan.
Waxaa markaas laga hor istaagay in iyadoo xijaab xiran ay gasho xarunta ay waxbarashada u tagaysay, muuqaalkaasina waxa uu noqday mid si weyn ugu faafay caalamka.
Cajaladda uu soo diray Zawahiri, ayaa ciwaan looga dhigay oraah micnaheedu yahay “Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya”.
Ayman al-Zawahiri ayaa muuqaalkan xushmad weyn ugu muujiyay heerka Muslimnimada ee Muskan Khan.
Dhanka kale, hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman al-Zawaahiri ayaa muuqaalkan lagu arkayaa isagoo uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Waxaa muuqaalkan looga soo duubay meel aad uga duwan goobtii looga duubay muuqaalkiisii ugu dambeeyay. Taas ayaa caddeyn kale u ah in muuqaalkani uu yahay mid cusub oo aan mar hore la duubin.
Labo sano ka hor markii la isla dhex marayay wararka ku saabsan geerida al-Zawahiri, waxaa soo baxay muuqaallo dhowr ah oo ay soo saareen al-Qaacida.
Balse dhammaan muuqaalladaas waxaa lagu arkayay al-Zawahiri oo ka hadlayay dhacdooyin taariikh ah iyo mowduucyo guud, waxaana adkayd in la xaqiijiyo sida ay muuqaalladaas u yihiin kuwo cusub.
Markaas kaddib waxaa xoogaystay shakiga laga qabay inuu geeriyooday, dad badanna waxay rumaysanayeen ku tiri ku teenta ku saabsan inuu xanuun u dhintay.
Muuqaalkan uu hadda soo duubay hoggaamiyaha al-Qaacida waxaa laga sii daayay warbaahinta kooxda al-Shabaab ee gacan saarka la leh.
Maxay samaysay Muskan Khan?
Muskan Khan waa gabar 19 jir ah oo ku jirta sanadka labaad ee waxbarashada machadka ku yaalla degmada Mandya ee gobolka Karnataka.
Bishii February ee sanadkan, Baraha Bulshada iyo warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal hayay muuqaal laga arkayay iyadoo ku dhawaaqaysa “Allahu Akbar”.
Waxay ka hadashay sababta ku kalliftay inay erayadaas adeegsato.
“Waxaan ku qeyliyay Allahu Akbar sababtoo ah waan cabsaday. Marka aan baqayo, waxaan isticmaalaa magaca Alle,” ayay tidhi.
Waxaa caalamka qabsaday muuqaal laga soo duubay Miskan oo iyadoo mooto yar ku galeysa dhismaha Jaamacaddeeda ay ka hor imaadeen rag badan oo isbahaystay, kuwaasoo iyagoo qeylinaya eryaday gabadha.
Markii ay ragga badan ku qeyliyeen hal ku dhigyo ka dhan ah xijaabkeeda, ayay mar qura dib ugu jeedsatay, iyadoo hal gacan kor u qaadeysa ayayna ku dhawaaqday “Allahu Akbar”, oo ay dhowr jeer ku celcelisay.
BBC-da oo wareysi la yeelatay Miskan Khan ayaa weydiisay su’aalo ku saabsan muuqaalkaas iyo wixii dhacay maalintaas.
“Waxba ma aanan ogeyn, Jaamacadda ayaan ugu socday si caadi ah,” ayay tidhi Miskan.
“Dad koox badan ka kooban oo bannaanka ka yimid ayaa is hor istaagay, waxayna ii sheegeen inaanan gali karin Jaamacadda anigoo xiran Xijaab.
“Waxay igu dhaheen, ‘haddii aad rabto inaad gadho gudaha Jaamacadda, iska siib xijaabka iyo shukada kaddibna gal. Haddii aad rabto inaad dharkan xirnaatidna, gurigaaga iska aad'”.
“Dhag jalaq uma aanan siinin. Gudaha ayaan soo aaday. waxaan moodayay inaan si aamusnaan ah kusoo gali doono balse waxaa socotay qaylo iyo dhawaaqa hal ku dhigyo. Waxay nimanka tirada badan ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid tahay “Bixi Xijaabka”.
“Waxaan u maleynayay inaan fasalkeyga aadi karo balse wiilashii oo dhan way isoo daba socdeen iyagoo u muuqday inay i weerarayaan. Waxay ahaayeen qiyaastii 30 ilaa 40 qof. Aniga waxaan ahaa kaligey, wax bani’aadannimo ah ma aysan lahayn. Xageyga ayay soo aadeen waxayna billaabeen inay soo ordaan, iyagoo watay maro jaalle ah.
“Horteyda ayay imaadeen, maryihii ayay warfiyeen iyagoo igu dhahaya, ‘Ka tag meesha’, ‘Bixi Xijaabka’.”