Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag gaaraysa $11.7 Milyan oo doolar la gaarsiiyey Somaliland.
Lacagta ayuu sheegay in galabta la gaarsiiyey guddiga gurmad Suuqa Waaheen si wax looga qabto dib-u-dhiska suuqa oo dad badani ay ku hanti beeleen.
Lacagtan oo ku jirtay khasnadda dowladda federaalka Soomaalia ayaa horay waxaa u fasaxay Raysal wasaaare Maxamed Xuseen Rooble, ka dib musiibadii ka dhacday suuqa Waaheen.
Mid ka mid ah agaasimeyaasha Bangiga Dhexe oo lagu magacaabo Xundubeey Axmed Bashiir ayaa Facebook ku shaaciyey in lacagta lagu daray hal miyan dheeraad oo dowladda federaalku ay ugu deeqday gurmad suuqa.
Dhank kale, saraakiil ka tirsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u xaqiijiyey in lacagta la diray iyadoo ay isku waafaqsan yihiin labada masuul ee ugu sarreeya dalka.