Arooska naadirka ah oo ka dhacaya Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo

White House

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Marwada Koowaad Jill Biden ayaa Aqalka Cad ku martigelin doona arooska gabadha ay awowga iyo ayeeyada u yihiin ee Naomi.

Gabadha uu Biden awowga u yahay, oo 28 jir ah, iyo gacaliyaheeda, Peter Neal, oo 24 jir ah, ayaa guurkooda ugu dabaal degi doona goobta ugu ilaalada badan Mareykanka.

Naomi ayaa sheegtay “inay aad ugu mahdineyso” awowgeed iyo ayeeyadeed sharafta ay u hayaan.

Aqalka madxatinnimada ayaa waxaa keliya hore uga dhacay afar xaflad aroos.

نعومي بايدن وخطيبها بيتر نيل
Qoraalka sawirka,Naomi Biden iyo gacaliyaheeda Peter Neal

Naomi, oo cilmiga sharciga ka baratay Jaamacadda Columbia ahna gabadha Hunter Biden iyo Kathleen Ball, ayaa bishii September ee sanadkii hore ku dhawaaqday inay isu doonan yihiin Neil, oo sharciga ka barta Jaamacadda University of Pennsylvania.

Naomi ayaa noqon doonta aroosadda shanaad ee xafladda guurkeeda ay ka dhacdo Aqalka Cad bisha November.

Xafladdii aroos ee ugu dambeysay ee lagu qabto Aqalka Cad waxay ahayd sanadkii 2008, markaas oo Jenna Bush Hager, gabadha madaxweynihii hore George W. Bush, ay guurkeeda u dabaal degtay, bil kaddib markii arooskeedu uu ka dhacay Texas.

Xaqiiqdii, wax caadi ah ayay Aqalka Cad ka ahayd inuu martigeliyo xafladaha arooska, oo inta ka dhacday ay 18 gaarayaan guud ahaan, balse isu imaatinnada noocan ah ayaa ahaa kuwo dhif ah.

ليندا جونسون مع زوجها تشارلز روب
Qoraalka sawirka,Linda Johnson, gabadha madaxweynihii Maryekanka Lyndon Johnson, xilli arooskeedu uu ka dhacay Aqalka Cad 1967
خادمة الشرف تمسك بباقة الورد في حفل في غرفة الطعام الحكومية بعد حفل زفاف تشارلز روب وليندا جونسون
Qoraalka sawirka,Arooskii Charles Robb iyo Linda Johnson

Tan iyo arooskii ugu horreeyay ee ka dhacay Aqalka Cad sanadkii 1812 – ee Marwada Koowaad walaasheed Dolly Madison iyo Thomas Todd – inta badan xafladaha waxaa ka soo qeyb geli jiray xubnaha qoyska madaxweynaha iyo xaaskiisa.

Arooskii Nellie Grant, gabadha Madaxweyne Ulysses Grant, ee dhacay bishii May 1874, wuxuu ahaa xafladdii ugu weyneyd ee xilligaas lagu qabto Aqalka Cad.

Maalintaas, 250 marti ayaa isugu timid Qolka Bari, oo lagu xardhay ubax caddaan ah iyo dhar cad oo xariir ah. Si kastaba, sida aroosyada kaleba, wuxuu ahaa mid dhib badan laga maray. Madaxweyne Grant iyo xaaskiisa ayaa sheegay inay ka walwalsanaayeen guurka gabadhooda 19 jirka ahayd iyo diblomaasi Algernon Sartoris.

الرئيس ليندون جونسون وكلوديا جونسون يشاهدان ابنتهما لوسي بينيس جونسون وهي تقطع كعكة زفافها
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Lyndon Johnson iyo Claudia Johnson oo jooga arooska Lucy Benes Johnson

Aroosyadii dhowaan ka dhacay Aqalka Cad ayaa waxaa ka mid ahaa kii Linda Bird Johnson, gabadha Madaxweyne Lyndon Johnson, oo guursatay Charles Spital Robb, xaflad lagu qabtay Qolka Bari 1967. Sanadkii 1971, Tricia Nixon, gabadha Madaxweyne Richard Nixon iyo Pat Nixon, ayaa waxay xafladdii arooskeedu ahayd tii ugu horreysay ee lagu qabtay Beerta Rose ee Aqalka Cad.

ريتشارد نيكسون وابنته تريشيا في حفل زفافها
Qoraalka sawirka,Richard Nixon iyo gabadhiisa Tricia oo arooskeeda jooga
إدوارد فينش كوكس يرافق عروسه تريشيا نيكسون على الممر
Qoraalka sawirka,Edward Finch Cox oo gacanta heysta xaaskiisa cusub Tricia Nixon

Xafladdii aroos ee ugu dambeysay ee Aqalka Cad ka dhacda, sanadkii 2013, qeyb kama ahayn qoyska madaxweynaha, waxayna ahayd xafladda arooska Pete Souza, oo ahaa sawir-qaadihii Aqalka Cad xilligii madaxweyne Barack Obama iyo gacalisadiisa Patty oo ka dhacday Beerta Rose.

توني رودهام، شقيق هيلاري رودهام كلينتون، ونيكول بوكسر
Qoraalka sawirka,Tony Rodham, oo ay walaalo yihiin Hillary Rodham Clinton, iyo Nicole Boxer oo jooga arooskooda oo ka dhacay Aqalka Cad sanadkii 1999

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here