Ciidanka Nabad-Ilaalinta AMISOM/ATMIS waxay sameyn doonaan Exercise ballaaran muddada udhexeysa 10-ka oo Beri ah ilaa 16-ka Bishaan April.
Waxaa la joojin doonaa waxkasta oo dhaqdhaqaaq ah, waxaa la xiri doonaa dhammaan nuuc kasta Ganacsi oo Xalane ku dhexyaala Xalane, sidoo kale waxaa la joojin doonaa dhammaan dhismayaasha socda iyo qandaraaslayaasha.
Sidoo kale waxaa Xalane laga dhex sameyn doonaa Barro koontorool lamana ogolaan doono wax dhaqdhaqaaq ah.
Meelaha ay howshani ka qabsoomi doonto waxaa ka mid ah Movcon oo ah Terminal ay isticmaalaan Dibloomasiyiinta Shisheeye.
Talaabadan ayaa la sheegayaa inay jawaab u tahay waraaqo ka soo baxay Raiisul Wasaaraha iyo taageerayaashiisa.
goobaha la xayiray waa ku jira goob uu xafiiska Rooble u qorsheeyey in lagu qabto dhaarinta Xildhibaanadda.