Xoghayaha Qaramada Midoobay oo taleefonka kula hadlay madaxweyne Farmaajo

António Guterre

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.

  Guterres iyo Farmaajo ayaa ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya, waxaana xoghayaha guud uu sheegay in uu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here