Xildhibaanno SSC oo ka badbaaday qarax lagula beegsaday Hoteel ay ku afurayeen

xildhibaanada ssc df11

Xildhibaanada degaamada SSC ee dowladda federaalka ayaa caawa lagu weeraray maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada labada aqal ee ka soo jeeda gobollada Sool iyo Cayn iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar oo shir ku lahaa maqaayad lagu magacaabo Pescatore Sea ayaa qarax lagu weeraray.

Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa xaqiijiyay in ay ka badbaadeen weerarkaas, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Alxamdulilaah waa nabadqabnaa Eebe hana amaansado”.

Dhanka kale warar madax bannaan waxay sheegayaan in weerarkaas uu khasaare ka soo gaaray ilaaladii mas’uuliyiinta halkaas ku sugnaa iyo dad kale oo goobta joogay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda ololaha doorashada guddoonnada labada aqal ee Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, iyadoo ammaan kuna yahay mid aan la isku halayn karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here