Nigeria: Dad ka badan 100 oo ku dhintay qaraxa ka dhacay warshad Saliidda Sifeysa

qarax

Madaxweynaha Nigeria ayaa sheegay in waddanku uu ku jiro “naxdin iyo argagax” ka dib markii ay ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay warshad sharci darro ah oo saliidda sifeysa.

Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa dhacdada ka dhacday gobolka Imo ee koonfurta Nigeria ku tilmaamay “masiibo qaran”.

Booliska dalkaasi ayaa ku raad jooga milkiilaha warshadda sifaynta saliidda ee sharci darrada ah oo ay dadka badan ku dhinteen.

Tobaneeyo qof ayaa loo malaynayaa in ay ka shaqaynayeen warshada sifaynta markii uu dabku qabsaday.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo ku sugan goobta ay masiibadu ka dhacay waxay sheegeen in laga cabsi qabo tirada dhimashada iney sii kororto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here