Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku tartameen illaa saddex musharrax.

Musharixiinta loolamay ayaa kala ah 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi, 2-Saalax Axmed Jaamac 3-Cismaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 54 Senator ee uu ka kooban yahay Golaha Aqalka Sare, waxaana guusha ay raacday Cabdi Xaashi.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay gaaraya 2 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here