Ku dhawaad ​​8,000 oo ciidamada UK ah ayaa ku biiri doona dhoollatus taxane ah oo ay xagaagan ka qeybgalayaan dhammaan ciidamada waddamada Midowga Yurub oo dhan, cidamadan ayaa ah kuwii ugu tirada badnaa ee ay UK ka qeybgaliso dhoollatus milatari tan iyo dagaalkii qaboobaa.
Xoghayaha Difaaca Ben Wallace ayaa ku tilmaamay tallaabadan in ay tahay mid looga gol leeyahay in “lagu muujiyo midnimada iyo awooda Midowaga Yurub”.
Askartan ayaa ku biiri doonta ciidamada xulafada NATO iyo isbahaysiga ciidamada wadajirka ah, oo ay ku jiraan Finland iyo Sweden, kuwaaso soo bandhigi doona dhoollatus milatari.