Dalalka islaamka ee saddex maalmood oo kala duwan laga ciiday sanadkan

salaad jimce

Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 02-May-2022 ayaa inta badan dalalka Islaamka si weyn looga xusay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, iyadoo dalal dhowr ah ay ku dhawaaqeen in Axaddii shalay ahayd oo taariikhda ku beegnayd kowda bisha May ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Koox saddexaad ayaa ku dhawaaqay in Ciidda ay ku beegan tahay Talaadada saddexda bishan May.

Ciidul Fidriga Axaddii shalay ahayd ka bilaabatay dalalka Afgaanistaan, Niger iyo Mali, iyadoo Isniinta maanta ahna laga ciiday dalalka Islaamka, sida: Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudan, Soomaaliya, Ciraq, Kuwait, Sacuudi Carabia, Yemen, Turkiga, Tuniisiya, Suuriya, Falastiin, Qadar, Lubnaan, Liibiya, Masar, iyo Mauritaniya.

Dhanka dalalka u texgeliyay inay Ciidda bilaabanto Talaadada, waxay kala yihiin Hindia, Pakistan, Bangladesh, iyo Iran.

.

Maalinta Ciida, Muslimiintu waxay u baxaan wax yar ka dib marka ay qorraxdu soo baxdo si ay u soo tukadaan salaadda ciidda. Sawirkan waxaa laga soo qaaday magaalada Qandahaar ee dalka Afgaanistaan.

Dagaalyahannada Taliban ayaa waardiye ka ahaa markii ay dadka soo gaareen goobtii lagu tukanayay maalintii shalay ee Axadda ahayd.

.

Waa Magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan oo ay Muslimiinta dalkaasi isugu hambalyeynayaan kaddib markii ay ku soo tukadeen Masjidka.

.

Dalka Mali ee qaaradda Afrika ayaa sidoo kale maalintii Axadda si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ku cibaadeysanaya ay isugu soo baxeen fagaarayaasha si ay salaadda ciidda ugu soo tukadaan xaafadda Magnabogo ee caasimadda Bamako.

.

Gabadhan ayaa gacmaheeda ku qurxisay cilaanka si ay isugu diyaariso munaasabadda ciidda, ee magaalada Srinagar ee gobolka Kashmiir ee ay ku muransan yihiin Hindiya iyo Pakistan.

.

Halkanna waa magaalo madaxda dalka Hindiya ee Delhi. Wasiirkii hore ee midowga iyo hogaamiyaha xisbiga BJP Vijay Goel oo uu weheliyo Duqa Waqooyiga Delhi ayaa ka qayb qaatay shaqada nadaafadda ee bannaanka Masjidka Jamia ee isu diyaarinta Ciidul Fidriga.

.

Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan, ayaa dadku waxa ay u soo dukaamaysteen si ay u soo iibsadaan adeegyadooda dharka, kabaha iyo dahabka ka hor ciidda.

.

Magaalada Yogyakarta ee dalka Indonesia ayaa ninkan waxa uu ku damaashaaday rashka, taasi oo uu ku muujinayay sida uu ugu faraxsan yahay imaatinka Ciida, xilli ay daawanayeen dadweyne fara badan.

.

Magaalada Peshawar ee dalka Pakistan, waratada waxay ku diyaariyeen macmacaanka, kuwaasoo ay ka iibin doonaan dadka wax ka iibsanaya inta lagu guda jiro ciidda.

.

Dalka Masar, dadku waxay u dabbaal-degaan diyaarinta noocyada keega iyo badeecooyinka sida gaarka ah loo diyaariyey xilliyada ciidda. Sawirkan, waa shaqaale gacanta ku haysta xabbad buskud ah oo ku sugan goob lagu dubay oo ku taal bartamaha magaalada Qaahira ee waddanka Masar.

.

Maalintii Axadda oo ahayd habeenka Ciidda, carruurtan ayaa ku ciiday beerta Goodmakers ee magaalada Ilford ee dalka Ingiriiska.

.

Muslimiinta ayaa aad u jecel inay caruurtooda kaxeeyaan si ay u soo tukadaan salaadda Ciidul Fidriga, waana sida ay samaysay hooyadan markii ay gabadheeda u raacday subaxnimadii Isniinta Masjidka weyn ee Baitul Rahman ee magaalada Banda Aceh ee dalka Indonesia.

.

Waxyaalaha ugu muhiimsan ee laga xusi karo ciidda waxaa ka mid ah in laga farxiyo quluubta ubadka, dhaqankaas oo inta badan dalalka Islaamka ay siyaabo kala duwan u wadaagaan. Sawirku waa Indonesia, oo ah waddanka ugu Muslimiinta badan Caalamka.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here