Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib.
Wareysi uu siiyay Wargayska “the economist” ayuu uga hadlay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan sugidda amniga, xilli Al-Shabaab ay weerarro ka gaysato meelo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah.
Al-Shabaab oo gacan-saar la leh ururka Al-Qaacidda ayaa sidoo kale maamusha qaybo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dagaalka Al-Shabaab
Waqtigii hore ee madaxweynennimada Xasan Sheekh Maxamuud, ka hor inta uusan xilka ku wareejinin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Al-Shabaab dib looga qabsaday magaalooyin muhiim ah.
Balse, madaxweynaha soo laabtay ayaa aaminsan in dagaalka uu halkiisa kasii socon doono, sida uu dhowr jeer ka sheegay fagaareyaasha.
“Inta badan degmooyinkii aan xoraynay dib ayay gacanta ugu galeen Al-Shabaab,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri wareysiga uu siiyay wargayska caalamiga ah.
“Dowladdii hore wax qorshe ah uma aysan haysanin in ay la dagaallanto Al-Shabaab,” ayuu yiri.
Al-Shabaab ayaa la sheegaa in ay dhaqaale xoog leh ka qaadato ganacsatada Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu taajirsan dhammaan kooxaha xulafada la ah ururka Al-Qaacidda.
In muddo ahba waxaa la isla dhex marayay in kooxdan ay canshuuro ka qaadato ganacsatada maxalliga ah, sida ay shaaciyeen warbaahin uu ka mid yahay isla wargayska uu la hadlay madaxweynaha. Waxa ay sidoo kale leeyihiin maxkamado iyo maamullo u qaabbilsan adeegyada aasaasiga ah.
“Al-Shabaab waxay dowlad ka dhex samaysatay dowlad kale,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Khudbad uu ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb oo uu booqasho ku joogo ayuu sidoo kale ku sheegay in shardiga kaliya ee ku xiran in lagu guulaysto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay in loo midoobo.
“Hadafka dowladdeyda waa inaan ka shaqeyno wixii u dan ah dalkaan iyo dadkaan iyo diintooda. Waxa ugu horreeya ee dan u ah dadka – irsaaqadda uu qof walba cunayo Alle ayaa kafaalo qaadaye – waa in muwaadinka Soomaaliyeed uu gurigiisa nabad ku gam’o.
Nimanka nabad-diidka ah ee dadka hoyaadka u diiday inaan dalkaan meel ka saarno ayaan rabnaa. Sida kaliya ee aan meel ku saari karnana waa inaan quluubteenna isku xirno oo aan hal dhinac kasoo wada jeesanno,” ayuu yiri.
Muxuu yahay qorshaha Xasan Sheekh Maxamuud?
Dad badan waxay iswaydiinayaan waxa uu noqon karo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud wax uga beddeli karto xaaladda amni ee Soomaaliya.
Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ah taliyihii hore ee ciidanka Danab ee uu Mareykanku tababaray, ayaa yiri: “Si looga guulaysto Al-Shabaab waa inay dowladdu uga adkaato tartanka dhinaca bixinta adeegga shacabka.”
Al-Shabaab madaxdooda waxay ku doodaan inay ujeeddadoodu tahay sidii ay dalka ugu soo rogi lahaayeen xukunka shareecada Islaamiga ah.
Balse, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muxuu dhankiisa doonayaa?
“Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin,” ayuu yiri.
Hase yeeshee, dadka qaar waxay aaminsan yihiin in xalka waari kara uu yahay oo kaliya mid ku yimaada dhinaca wadaxaajoodka, oo ah in wadahadal lala galo Al-Shabaab.
Markii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xoogga saarayay in xubnaha Al-Shabaab lagu soo jiito in cafis loo fidiyo. Hadda waxa uu qirtay in dagaalku uu kusoo dhammaan karo miiska wadahadalka, laakiin taas aan wali la gaarin.
Madaxweynaha ayaa doonaya in la billaabo dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Ololihii dagaal ee ugu dambeeyay ee lala galo kooxdaas waxa uu dhacay sanadkii 2019-kii, xilligaas oo ay dalka ka arriminaysay dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo.
Dowladda cusub ee uu hoggaanka u hayo Xasan Sheekh ayaa markan isku dayi doonta in Al-Shabaab lagu riixo dhinaca miyiga, kaddibna, sida uu qorshuhu yahay, ay billaaban karaa wadaxaajoodyada.
Lamase oga muddada ay qaadan karto inay taas hirgasho. Kooxda kasoo horjeedda dowladda ayaa haysata ciidan iyo qalab militeri, marar badanna waxay weerarro ku ekeysay saldhigyada ciidamada awoodda badan ee Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka.
Taas waxaa sii dheer in hoggaanka Al-Shabaab ay horay marar kala duwan ugu gacan sayreen inay wada-xaajood la galaan dowladda, iyagoo shuruud uga dhigayay in marka ugu horraysa ciidamada ajaanibta ah laga saaro Soomaaliya.