Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shirweyne magaalada Muqdisho uga socdo wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedka dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.
Shirkan oo soo billowday Isniintii ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo xiro, balse waxaa jira khilaaf culus iyo doodo hareeyey qodobada laga wadahadlayo.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in haatan shirka uu galay marxalad adag, islamarkaana la isku mari la’yahay qaar ka mid ah qodobada miiska saaran.
Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in shirkani uu ku soo dhammaado natiijo la’aan, haddii aysan isbedel iyo tanaasul sameyn dhinacyada ka socdo dowladda dhexe iyo maamullada.