XAFIISYADII URURKA WADDANI OO XIRMAYA IYO URURKA REJO OO GOBOLLADA KU FAAFAY SABABTA?

wadani vs rejo

Waxaa soo ifbaxaya ifafaalo muujinaya in XISBIGII WADDANI oo hadda ka mid ah Ururadda Siyaasada ee Somaliland ka jira ay soo yaraaneyso saameyntii iyo taageerayaashii uu Goboladda Somaliland ku lahaa.

Baddi waxaa xirmaya Xafiisyadii uu Goboladda ku lahaa, iyadoo aan wax shaqo ahi ka socon, qaarkoodna ay mudo xirnaayeen.

Taas bedelkeeda waxaa Goboladda Somaliland si xawli ah ugu faafaya URUR SIYAASADEEDKA REJO.

REJO waxay diyaariyeen dhamaan xarumihii Goboladda, Xaruntii labaad waxay ka furteen Hargeysa, Magaaladda Laascaanood ayaa la diyaarinayaa in bisha 11 ee sanadkan laga furo xarun weyn oo ka kooban guri labo dabaq ah, oo qaar ka mid ah taageerayaashu Ururka ugu deeqeen.

DAAWO FURISTA XARUNTA URURUKA REJO IYO SAWIRADA XAFIISYADA HOOSE:

MAXAA SABABAY HOOS U DHACA WADDANI?

Ugu horeyn Hogaamin xumadda Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Xisbiga ka dhigtay mid aan lahayn qorshe cad iyo hiigsi laga midho-dhaliyo, taas oo sababtay in taageerayaal badani ay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen.

Arinta labaad waa in CIRRO uu Xisbigii ay taageerayaashiisu naf iyo maalba ku bixiyeen, uu ku wareejiyey koox ku soo caan baxday musuq-maasuq iyo dhagarta shacabka, kuwaas iminka u hamuumaya in dhiiga taageerayaashii Xisbigii Waddani ay taladda dalka ku boobaan, balse aanay u suurtoobi doonin, iyadoo badankoodii maalinba maalinta ka dambeysa ay u degelroganayaan Urur Siyaasadeedka REJO.

DAAWO TAAGEERAYAASHII WADDANI OO U DEGELROGANAYA URURKA REJO:

Dhanka kale Dr. Gaboose iyo Ururkiisii Barwaaqo oo uu Madaxweyne Muuse Biixi dabadda ka riixayey ayaa isna u cuntami waayey taageerayaashii Waddani, iyagoo u arkaya gef iyo xadgudub ku tahay dimoqraadiyadda iyo taladda dadka, waxaana Gaboose ugu war dambeysay (WAXAAN LA JOOGEY FIRCOON), oo uu ula jeeday Madaxweyne Siyaad Barre, taasoo ah astaan muujinaysa in dhakhtarku uu da’oobay.

Fashilka Cabdiraxmaan Cirro iyo Dr. Gaboose, oo lagu daray dadaalka iyo hogaamin wanaagsan ee Ururka REJO, ayaa Hogaanka iyo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka REJO u sahashay inay isku fidiyaan dhamaan Goboladda Somaliland iyo Degaamaddii Xisbigii Waddani laga taageersanaan jiray.

DAAWO SIDA URURKA REJO GOBOLADDA DALKA LOOGA TAAGEERSAN YAHAY:

DAAWO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here