Xaallad nafaqo-darro oo laga soo sheegayo Baydhabo

abaar xoolo bakhtiyey

Waxaa sare u sii kacaysa heerka nafaqa-darrada carruurta ee ka jirta Soomaaliya xilli ay halkaasi ka jirto abaar ba’an, sida lagu sheegay sahan ay sameeyeen hay’adaha samafalka.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay horaantii bishii September in laba degmo la saadaaliyay in ay macluul soo food saartay inta u dhaxaysa bilaha October iyo December, iyadoo in ka badan nus malyuun caruur ah oo ku nool Soomaaliya ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan nafaqo darro.

Xog uruurin ay haya’adaha Qaramada Midoobey sameeyeen intii u dhaxeysay Sebtembar 19 ilaa 24, islamarkana laga sameeyay xerooyiinka barakacayaasha ee magaalada Beydhabo ayaa lagu ogaaday in xaaladdu ay ka sii dareyso.

Madaxa isbitaalka magaalada Beydhabo Dr Cabdulahi Ibraahim ayaa BBC u sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay korortay tirada carruurta nafaqo-darrada la il-daran ay ku qaabillayeen isbitaalka guud ee Baydhabo.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here