Wasiir Saleebaanow, 1991 Burco iyo Hargeysa sidaad ka dhigteen bay ahaayeen?

saleebaan yuusuf

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali oo ka hadlayey munaasibad Hargeysa ka dhacday, ka qaybgalayaashii weydiiyey SANADKII 1991 MARKII LA SOO GALAY BURCO IYO HARGEYSA SIDAY AHAAYEEN?

Su’aashan inkasta oo laga aamusay, jawaabteeda saxda ahi waa, BURCO IYO HARGEYSA SIDAAD KA DHIGTAY BAY AHAAYEEN, Waayo wuxuu ka mid ahaa Askartii Kacaanka ee Burburka iyo Bililiqadda degaamadaas ka geysatay, waxa Burco iyo Hargeysa ka muuqdayna wuxuu ahaa falkii ay ku kacayeen, Bulshada iyo isagaba uma fiicnayn inuu xumaan ka mid ahaa tusaale u soo qaadato, hadalo iyo siyaabo kale oo ka fiican baa loo tilmaamaa.

Wasiir Saleebaan wuxuu sheegay inuu 1991 Hargeysa yimid, arintaas waxba kama jiraan oo ma uu imaan ee waxaa la keenay, sababtii la doono haloo keenee qiyaastii 1995-1996 bilowgiisii, waxaana caado u noqotay inuu Maxamed Kaahin Markhaati aan jirin u qabsado had iyo jeer.

Doorkan Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali wuu ka duwanaa sidii hore looga bartay, waxaa ka muuqatay welwel iyo in aanay Madaxweyne Muuse Biixi mudo is arag, hadalkiisana isaga ayuu u dirayey, ugu yaraan 4 Jeer ayuu iri Somaliland ha noolaato, taasina waxay muujinaysaa kalsooni-Darro dheeraadda.

Sikasta maalin kasta oo Wasiir Saleebaan Yuusuf hadlo Xukuumaddu waxay weydaa qayb ka midda taageeradda shacabka, waana meelaha ugu horeeya ee laga qiimeeyo tayadda Xukuumadda.

DAAWO KUDHBADDII WASIIRKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here