Urur siyaasadeedka REJO ayaa maanta abaara 11 saacadda Geeska Afrika Magaaladda Boorame isugu keenay ku dhowaad 3000 oo taageerayaal ah oo kormeerka Madaxtaabashada ee 1000 qof ka qayb qaata.
Iyadoo Ururadda badankoodu la daalaa dhacaynayeen sidii ay u heli lahaayeen tiradii laga doonaya, oo qaarkood la sheegay inay Baabuur Hargeysa kaga gurteen, ayaa waxaa dareen abuurtay tiradan faraha badan ee Ururku ka helay degaanka, taageerayaashan ayaa lagu tilmaamay kuwii uu lahaan jiray Xisbigii Waddani.
Daawo Sawiradda: