ABIY AHMED: DAGAALKA TIGRAY WAA LA SOO GEBAGEBAYN DOONAA

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Tigray-ga uu dhammaan doono, nabadna la gaari doonto.

Hadalkan ayuu jeediyay khamiistii mar uu furay xarunta horumarinta dadka leh hal abuurka ee dowlad deegaanka Oromia ee katirsan Itoobiya.

“Xaaladda waqooyiga Itoobiya way dhammaan doontaa, nabadna waa la heli doontaa, ma sii wadi doonno dagaalka weligeen, waxaan aaminsanahay in muddo kooban gudahood aan ku xero gelin doono walaalaheen Tigrayga, iyadoo la shaqeynayo nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri Abiy.

Wuxuu ku booriyay dadka Itoobiya inay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka, oo aan lagu kala qaybin isir iyo diin.

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii dowladda Itoobiya ay aqbashay casuumaad uu Midowga Afrika u fidiyay, si ay uga qayb-gasho wada-hadallada nabadeed ee 24-ka Oktoobar ka dhacaya dalka Koonfur Afrika.

Wadahadaladan, ayaa loogga gol leeyahay soo afjarista dagaallada ay ku dhinteen dad aan tiradooda la sheegin, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Wuxuu kusoo beegmay hadalkani isla maalint ay fallaagada Tigreegu ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya inay ku dileen toddobo dhallinyaro magaalo ay ciidammada federaalku qabsadeen Talaadadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here