Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Ururka Siyaasadeedka REJO Cabdirisaaq Maxamed Jaamac Sanweyne oo xalay ka qaybgaley kulan aalladaha maqalka iyo muuqaalka, ayaa si weyn u soo dhoweeyey kormeerkii marxaladda Madaxtaabashada ee 1000 oo Ururadda laga sugayey, oo shalay si fiican uga qabsoontay Magaaladda Boorame.
Gudoomiyaha ayaa yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa dhamaan Ururaddii Siyaasada ee buuxiyey shuruudihii Madaxtaabashadii ka dhacday Boorame, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Taageerayaasha Ururka REJO, shacabka Awdal iyo Hayadaha Amaanka oo waajibaadkoodii si fiican u gutay”.
Cabdirisaaq Sanweyne ayaa ku daray, “Waxaan sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku adkeystay inuu dib-u-toosinta Dimoqraadiyadda iyo Sharciga Somaliland wax gorgortan iyo xeer-beegti ah ka sameeyo”.
Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa amaanay sida hawlkarnimadda leh ee Gudiga Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadu ay hawshoodii u gudanayaan.
Ugu dambeyn Sanweyne ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan, cidkasta oo isku deyda kala-qaybin, qabiil Awr ku kacsi, abuuris khalkhal amni, isagoo sheegay in intii AY DHAGAX TUURI LAHAAYEEN, AY U DIYAARGAROOBAAN INAY FARTA U TUURAAN MEESHII AY DANTOODU KU JIRTO, hadafyadda REJO waxaa ka mid ah, dimoqraadiyad sax ah oo nabadgelyo, sinaan iyo wax wada-lahaansho salka u haysa, ayuu ku soo gebagebeeyey.