MAXKAMADDA CIIDAMADA SOOMAALIYA OO FULISAY DIL TOOGASHO AH

xasan cali nuur shuute

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ku fulisay Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar oo ku eedeysnaa Falal dil ah iyo ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukunkii dilka ahaa ee horay ugu dhacay waxay ku fulisay Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar oo ka tirsanaa Shabaab laguna helay dembiyo dil ah oo Muqdisho ay ka geysteen.

Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa AL-Shabab ka tirsanaa in muddo ah waxaana howgaladooda iyo dilalka ay qayb ka ahaayeen tan iyo 2014-kii.

Magacyada Axmed iyo Qoono ayay Caan ku ahaayeen raggan mudadaas ay ka tirsanaayeen kooxaha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here