Dib u dhiska Soomaaliya ayaa u baahan dhallinteeda oo yeelata aqoon iyo waaya-aragnimo durugsan si ay waddada horumarka cagta u saarto.
Soomaaliya ayaa sidoo kale wali kasoo kabsanaysa dhibaatadii ay dagaalladii sokeeye u geysteen waxbarashada heerka sare. Dhaqaalaha dalka oo waqti adag ku jira ayaa sidoo kale xaddidaya in ay dhallinyarada Soomaaliyeed si isla eg u helaan waxbarasho tayadeedu aad u sarreyso.
Sidaa darteed, waxaan mar waliba jecelahay in aan dhallinyarada Soomaaliyeed usoo gudbiyo wax walba oo horumar gaarsiin kara.
Halkan waxaan idiin kugu soo gudbinayaa deeqo wax barasho oo si gaar ah loogu talo galay ardayda kasoo jeedda waddamada soo koraya oo Soomaaliya ka mid tahay.
Deeqahan wax barasho waxay isugu jiraan kuwo ay bixiyaan dowlado, jaamacado caalami ah iyo shirkado doonaya in ay wax taraan dhallinyarada sida fiican u dadaala.
Deeqahan ayaa sidoo kale u kala baxa kuwa heerka koowaad ee jaamacadda ah iyo kuwa heerka labaad ee jaamacadda.
Deeqda wax barasho ee “The Emile Boutmy Scholarship”
Deeqdan waxbarasho waxaa bixisa Jaamacadda magaceedu yahay Sciences Po oo ah jaamacad la aasaasay 1872.
Waxay ku taallaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Waxaa dhigta arday gaaraysa 14 kun, kala bar ardaydaas ayaa waxay jaamacaddu sheegtay in ay yihiin arday diabadaha uga yimid.
Waxaad dalban kartaa shahaadada heerka koowaad ama tan labaad ee jaamacadda. Barnaamajyada ayaa ku baxa luqadda Ingiriiska.
Deeqdan ayaa waxay ku xirantahay in ay ku aqbasho jaamacadda Sciences Po, waxayna bixin doontaa dhammaan kharashka shahaadada koowaad ama tan labaad ee jaamacadda.
Kama dambaysta dalbashada deeqdan waa 22 ka Febraayo ee 2023
Waxaad cinwaanka “The Emile Boutmy Scholarship” ku qortaa bogga Google. Waxaad doorataa cinwaanka ugu horreeya ee sidatan ah; www(dhibic)sciencespo(dhibic)fr
Deeqda wax barasho ee “Holland Scholarship”
Deeqdan waxbarasho waxaa bixisa dowladda Netherlands oo sidoo kalena loo yaqaano Holland.
Waxay siisaa ardayda jaamacadda Utrecht University oo ku taalla magaalada Utrecht ee dalka Holland, kaas oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee qaaradda Yurub.
Jaamacadda Utrecht waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu cimriga dheer adduunka, maadaama la aasaasay ku dhawaad 4 boqol oo sano ka hor, sanadku markuu ahaa 1636.
Deeqdan ayaa waxaa loo soo bandhigaa ardayda dadaalkoodu sarreeyo ee adduunka, kuwaas oo danaynaya in ay qaataan shahaadada heerka labaad ee jaamacadda (Masters).
Waxaan soo xulay maaddadan hoos ku xusan oo ka mid ah kuwa ay deeqdan kharashka ka bixinayso.
Conflict studies and Human rights (Daraaseynta isku dhacyada iyo xuquuqda aadanaha)
Maaddadan ayaa waxay xambaarsan tahay muhiimad gaar u ah Soomaalida iyo dalka Soomaaliya. Sabatuna waxay tahay, waa cilmi ku saabsan barashada iyo fahanka khilaafaadka wata dagaallada hubeysan iyo xuquuqda arrimaha bani’aadamka, kuwaas oo aad u saameeyay waddanka Soomaaliya muddooyinkii ugu dambeeyay.
Dalbashada ayaa waxay ku egtahay bisha koowaad ee sanadka soo socda, 31-Janaayo, 2023.
Maaddadan waxaad ka dhex raadinaysaa barnaamajyada (Masters) Jaamacadda Utrecht. Waxaa meesha ka heli kartaa dhammaan shuruudaha la iska rabo.
Deeqda wax barasho ee “Excellence Scholarship and Opportunity Programme”
ETH Zurich waa jaamacad dadweyne oo ku taalla magaalada Zurich ee dalka Switzerland, Deeqdan waxbarasho waxaa loo diyaariyay ardayda samaynaysa shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.
Shuruudaha:
- In aad dalbatid, ka dibna aad heshid aqbalaadda jaamacadda ETH Zurich
- In aad haysatid shahaado heerka koowaad ee jaamacadda
- 10% darajadaada in ay tahay A
Deeqdan waxay bixin doontaa dhammaan kharashaadka labada sano ee master-ka ama shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.
Dalbashada deeqdan waxay furmaysaa 01-11-2022 waxayna ku egtahay 15-12-2022
Wixii macluumaad ah oo dheeri ah waxaad ka heleysaa bogga jaamacadda. Waxaad Google ku qortaa cinwaanka deeqdan waxbarasho.
Si fiican u fiirso cinwaanka ku dhamaanaya ethz(dhibic)ch
Deeqda wax barasho ee “Alderbert Study Scholarships”
Deeqdan waxbarasho waxaad ka heli kartaa jaaamacadda Chalmers University of Technology oo ku taalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Deeqdan waxay bixin doontaa dhammaan kharashaadka shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.
Dalbashada deeqdan ayaa hadda lagu guda jirtaa, waxayna ku egtahay 16 ka janaayo ee sanadka soo socda 2023.
Deeqdan ayaa u furan arday kasoo jeedda illaa iyo 143 dowladood oo ay Soomaaliya ku jirto.
Dalbashada:
- Iska diiwaan geli jaamacadda Chalmers University, ka dib waxaad heleysaa nambarada ardayga
- Dalbo mid ka mid ah barnaamajyada shahaadada heerka labaad
- Akhriso, buuxi shuruudaha la iska rabo
- Muddada waa inta u dhexeysaa 17 ka Oktoobar ilaa 16 ka Janaayo
Marka aad dalbatid barnaamajka jaamacadda ka dib waxaad dalbanaysaa deeqda waxbarasho.
Alderbert Study Scholarships ku qor Google, ka dibna waxaad geleysaa cinwaanka ugu horreeya kuu soo baxa oo u qoran sidatan Chalmers(dhibic)se. Waxaad iska hubisaa cinwaanka in uu ugu dambeeyo (se)
Deeqda wax barasho ee “The ALX Tech Nanodegrees (Online)”
Alx Afrika waa shirkad ka shaqaysa horumarinta dhaliyarada Afrika dhinaca Teknoolojiyadda. Alx oo kaashanaysa hay’adda waxbarashada online-ka ah oo loo yaqaano Udacity ayaa waxay dhalinyarada Afrika ugu deeqeen barashada afar maaddo oo ku saabsan teknoolojiyadda.
Deeqdan waxay u furan tahay dhamaan ardayda Afrika kasoo jeedda oo ay ku jiraan Soomaalida. In aad dalbatid deeqdan ayaa waxba ku xirnayn, waxa keliya ee aad u baahan tahay ayaa ah in aad gashid bogga rasmiga ah ee deeqdan.
Shahaadooyinkan ayaa waxaad ku dhamayn kartaa muddo saddex billood ah
Barnaamajyada aad dalban kartid waxay kala yihiin;
- Cloud development nanodegree
- Data analyst nanodegree
- Full stack web development nanodegree
- DevOps engineer nandegree
Waa maxay nanodegree?
Shuruudaha:
Tusaale; shuruudaha ku xiran barashada Cloud development nanodegreee
- In aad luqadda ingiriiska taqaanid in aad ku fahmi kartid casharada
- In ay da’daada u dhaxayso 18 ilaa 35 sano
- In aad kasoo jeedid qaaradda Afrika, dhib malahan meesha aad hadda ku sugan tahay
- In aad taqaanid luqadda kumbuyuutarka sida JavaScript, in uu kuu bilaaban yahay isticmaalka barnaamajka Linux iyo wixii la mid ah.
Waxaa xusid mudan in Barnaamaj walba uu wato shuruudo gaar u ah.
Si aad u dalbatid, waxaa Google ku qortaa The ALX Tech Nanodegrees, bogga ugu horeeya oo cinwaankiisa ku dhamaanayo alxafricadotcom ayaad ka heleysaa deeqdan. Ka dib, waxaad dooranaysaa qaybta aad rabtid in aad ku biirtid, waxaadna raacaysaa oo buuxinaysaa shuruudaha lagaaga baahan yahay.
Ugu dambayn
Fursadaha halkan aan ku xusnay waa keliya qaar ka mid ah kuwa u bannaan ardayda Soomaaliyeed, Jaamacadaha qaar sida Utrecht waxay bixiyaan deeqooyin kala duduwan. Maaddo kasta ay jaamacaddan bixiso waxaad qaybteeda kaalmada dhaqaalaha (financial support) ka heli kartaa deeqo waxbarasho oo ku lifaaqan maaddadaas. Sidaa darteed, isku day in aad si fiican u baartid fursadaha ay hayaan oo dhan.