SOMALILAND: XILDHIBAAN KA DIGAY WAX KA BEDELKA XEERKA URURADDA

xildhibaan maxamed abiib somaliland

Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa uga digay Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasada inay wax ka badaleen xeerka lagu dhaqayo qiimaynta Ururada.

Xildhibaanka ayaa u sheegay guddiga Diiwaangelinta in ururada laga doonayo gobolada oo dhan 1000 qof oo madaxtaabasho ah balse aan gobolna hoos looga dhigi karin tirada, iyada oo dhawaaqa xildhibaanku ku soo beegmay wakhti ay guddidu shaacisay inay gobolka Sool ka dhigeen 400 oo qof.

War uu soo saaray xildhibaanku ayaanu ku yidhi “Gudiga Diiwaangalintu xaq uma laha inay wax ka badalaan Xeerka ay ku shaqeeyaan, Soolna sida Gobalada kale uun baa kun qof laga raba Ururada Tartamaya.

Ururkii aan ka helina waxay noqon doontaa uun urur aan Shuruudaa kunka qof ah buuxin.

Gudiguna maaha Xeer-dejin ee waa xeer fuliyayaale ha ixtiraamaan Sharciga Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here