RUUSHKA OO KA JAWAABAY HUBKA NUKLIYEERKA EE YURUB LA GEYNAYO

vladimir putin

Ruushka ayaa manata oo Sabti ah sheegay in tallaabooyinka sii xoogeysanayo ee Mareykanka uu hubka Nukliyerka ee casriga ah uu ku geynayo Yurub inay hoos u dhigasyo “xakameynta loo jideeyay Nukliyeerka” isla markaana Ruushka uu u dhaqaaqi doono qorsheynta ciidamadiisa militeriga.

Mareykanka ayaa hubka casriga ah ee Nukliyeerka B61 geynayaa saldhigyada dalalka gaashaanbuurta Nato ay ku leeyihiiin qaaradda Yurub.

Duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa horseeday xiisaddii ugu xumeyd ee dhexmarta xukuumadda Moscow iyo Reer Galbeedka tan iyo sanadkii 1962 iyo xiisaddii ka dhalatay gantaalladii Cuba kadib markii labadii dal ee ugu awoodda badnaa ee dunida ay qarka u saarnaayeen inay galaan dagaal Nukliyeer ah.

Ruushka wuxuu heystaa 2,000 oo gantaall oo hubka Nukliyeerka ah halka Mareykanka uu heysto ku dhawaad 200 oo hubkaas kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay u yaallaan saldhigyo ku yaalla Talyaaniga, Jarmalka, Turkiga, Belgium iyo Netherlands.

Wargeyska Politico ayaa ku warramay in Mareykanka uu shirka Nato uu ka sheegay in uu sare u qaadayo dadaallada uu hubka casriga ee B61, B61-12 iyo hub cusub uu ku geynayo saldhigyada ku yaalla Yurub meesha lagu gaaro December, qorshahaas oo kasoo horumaray xilliggii loo asteeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here