Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qaraxyada maanta agagaarka Laami Yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka dhow Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse waxay xogtu sheegeysa inaan wasaaradda si toos ah loo qarixin.
Qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac xoog leh, waxaa la soo werinayaa in dhimashadu gaarayso illaa iyo hadda 20 dhimasho, dhaawacana aad ayuu uga badan yahay intaas.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ku dhintay taliyihii booliska ee degmada Hodan Xuseen Cadcadeed kaasoo dhawaan laga soo badalay degmada Wardhiigley, waxaana sidoo kale la dhintay qaar ka tirsan ilaaladiisas.
Sidoo kale dadka illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo u shaqeenayey M24 TV, kana mid ah suxufiyiinta ugu caansan magaalada. Sidoo kale weriye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA ayaa dhaawac ah.Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xiga.
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa sheegay inuu jiro wariye ku dhintay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Amin ambulance, ayaa sheegtay gaari kooda uu burburey, halka darawalna uu soo gaarey dhaawac.
Isbitaalada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la gaarsiiyey dad badan oo dhaawac ah, in kastoo aanan tiro rasmi ah laga haynin.
Labada qaraxba ee ka dhacay magaalada, ayaa waxaa lala beegsadey wasaaradda waxbarashada, oo ku taalla agagaarka Soobe ee Muqdisho.