Xili ay shalay soo gebagebowday kormeerkii madaxtaabashada 1000 kii qof ee ururada Siyaasadda laga rabay, ayaa waxaa soo ifbaxaya sida  Ururadda cusubi ay u kala saameeyeen taageerayaashii sadexdii Xisbi ee horey u jiray.
XISBIGA KULMIYE:
Waxaa muuqata in Ururadda badankoodu ay saameyn ku yeesheen taageerayaashii Xisbiga Kulmiye.
Hadduu Gudbo Ururka KAAH ee uu hogaamiyo Maxamuud Xaashi wuxuu wiiqi doonaa taageeraddii Xisbiga Kulmiye ku lahaa Togdheer, Sanaag iyo degaamo kale, maadaama uu ahaa xubin firfircoon oo markiisii horena Xisbiga ka mid ahaa, arinta labaad ee iyana xusida mudani waa Ururo dhowr ah oo la tuhunsan yahay in Madaxtooyadu dabadda ka riixayso kuwaas oo aasaaskoodii iyo taageerayaashuba salka ku hayaan Kulmiye, wax saameyn ah kumay yeelan Xisbiga Waddani oo ah Xisbiga labaad ee Somaliland ugu weyn, tusaalle ahaan Ururka Barwaaqo ee uu hogaamiyo Dr Gaboose, Ururka Waaberi ee uu hogaamiyo Ataash, iyo Ururka Hilaac ee uu Hogaamiyo prof. Axmed Samatar taageeraashooda asal ahaan waa kulmiye, sidoo kale Madaxda Ururadda badankoodu waa taageerayaashii Kulmiye waxay kasbadaana waxaa ugu badnaan doonaan taageerayaashii Kulmiye.
XISBIGA WADDANI:
Xisbiga Waddani wuxuu ku guuleystay inuu taageerayaashiisa ka difaacdo Ururka Barwaaqo iyo Dr Gaboose, balse wuxuu ku guuldareystay inuu is-hortaago Ururka Rejo ee uu Hogaamiyo Cabdilaahi Axmed Dahab.
Haddii Ururka REJO u gudbo wareega ugu dambeeya ee ku dhawaaqistiisa maalmo inaga xigaan, Xisbiga Waddani wuxuu ku wiiqmi doonaa Goboladda Sanaag, Sool, Togdheer iyo dad badan oo ka taageersanaa Goboladda kale sida Awdal, Maroodi-Jeex iyo Saaxilba, ugu dambeyna taageerayaal badan oo saluugsan hogaaminta isku sidkan ee Xirsi iyo Cirro, ayaa xadhkaha goosan doona oo Ururka REJO ku biiri doona taas oo khatar ku noqonaysa in Waddani uu difaacdo Xisbinimadiisa iyo Musharaxnimadiisa.
Xisbiga Waddani waxaa la gudboon, farsamo kasta oo ay adeegsadaan inay xoogga saaraan sidii URUR SIYAASADEEDKA REJO wareegan loogu reebi lahaa, haddii taas ay ku guuleystaana ma jirto sabab ay uga welwelaan inay difaacdaan Xisbinimadooda iyo Musharaxnimadooda.
XISBIGA UCID:
Marka la eego doorashadii Madaxtooyadda Somaliland Xisbiga UCID oo tiro yar haystay, hogaamiyihiisa oo mudo dheer oo natiijo la’aan ah joogay, isaga talaabo kasta waa ku dhib, sida furista ururada, doorashada iyo dimoqraadiyaduba.
Su’aasha taagani waa;
XISBIGA KULMIYE MA ISKA REEBI DOONAA URURKA KAAH? XISBIGA WADDANI MA ISKA REEBI DOONAA URURKA REJO?
Aan sugno todobaadka soo socda iyo ku dhawaaqista Gudigga Diiwaangelinta Ururadda.