Xukuumadaha Tokyo iyo Seoul ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday saddex gantaal, xilli ay sii kordhayso xiisadda gobolka. Waxay sheegeen in mid ka mid ah uu ahaa gantaalada riddada dheer Taasi oo dawladda Japan ku kaliftay inay soo saarto digniin degdeg ah oo naadir ah oo ku wajahan dadka oo ah inay guryahooda ku jiraan.
Waxay ku soo beegmaysaa maalin uun ka dib markii labada Kuuriya ay rideen gantaallo taas oo xiisadda sii kor dhisay.
Waa tiradii ugu badnayd ee gantaallo ay Kuuriiyada Waqooyi ridaan hal maalin gudaheed.
Waxay arrintan ku soo beegmaysaa maalin uun ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay ugu hanjabtay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed dhoolatuskooda milateri ee wadajirka ahaa, iyadoo sheegtay in “Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed wajihi doonaan caqabado xun ayna la kulmi doonaan natiijadii ugu xumayd taariikhda”.
Waxaa jira walaac laga qabo in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu diyaargarow ugu jiro tijaabadii ugu horeysay ee hubka Nukliyeerka ah.