Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa safar deg deg ah ku tegay Magaalada Ceerigaabo, kadib markii ay xaqiiqsadeen in Urur Siyaasadeedka REJO uu ka faramaroojinayo taageerayaashii ay ku lahaayeen Goboladda Sanaag, Sool iyo Togdheer.
Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalmihii ugu dambeeyey magaaladda Ceerigaabo u diray dhaqaale aad u farabadan oo loo qoondeeyey in lagu soo jiito dad soo dhoweeya, taasoo ka markhaati furaysa kalsooni-daradda ka soo wajahday taageerayaashii tiradda badnaa ee ay degaamadaas ku lahaayeen.
Urur Siyasadeedka REJO ayaa isna dhankiisa ka wada weerar aan kala go’ lahayn oo ay ku kasbanayaan taagerayaashii Xisbiga Waddani, iyagoo dadaal naf-hurnimo ku kasbanaya taageerayaashii uu WADDANI ku lahaa goboladda Somaliland.
Xaaladda ayaa ka sii dari doonta haddii Ururka REJO uu ku guuleysto inuu u gudbo Ururadda u tartamaya xisbinimadda.
Xili dhulku barwaaqo yahay Gudoomiye Xirsi iyo Musharax Cirro, si ay u qariyaan hoos u dhaca taageerayaashooda waxay raaceen Diyaarad, halka Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka REJO Cabdilaahi Dahab uu safarkiisa degaamada Gobolka oo dhan ku sii dhex jibaaxay, daawo labada sawir.