SABABAHA UGU BADAN EE KEENA SHILALKA IYO BURBURKA DIYAARADAHA

shilka diyaaradaha

Inkasta oo dad badan oo rakaab ah ay ka walwaleen shilalka diyaaradaha marka ay hawada ku jiraan, laakiin waxay khuburadu sheegayaan in shilalkaas ay aad u yaryihiin.  

Khubaro badan ayaa ku tilmaama safarka hawada inuu yahay mid ka mid ah hababka ugu badbqabsan ee lagu  safro marka loo eego noocyada kale ee safarka, oo uu ku jiro baabuurka ay isticmaalaan dad badan.

Hase yeeshee shilalka diyaaradeed ayaa dhowr jeer dhacay kuwaas oo ay ku lug lahaayeen diyaarado gaar loo leeyahay iyo kuwa ganacsiba.

Axadii lasoo dhaafay 19 qof oo rakaab ah ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Bukoba ee dalka Tanzania. Lama oga ilaa hadda sababta keentay shilkan, waxaana hadda socda baaritaanno ay wadaan khubaro ka kala yimid gudaha iyo dibaddaba, si ay u ogaadaan sababta dhabta ah ee sababtay shilka.

Balsé , waxaa jira shilal diyaaradeed oo badan oo adduunka ka dhacay kuwaas oo xaqiijinaya shakiga sababaha keeni kara burburka diyaaradda.

Bishii Oktoobar 2018, burburkii diyaaraddii Lion Air Flight 610 ee Indonesia, waxaa ku dhintay dhammaan 189 qof oo saarnaa, sidoo kale dhacdadii Boeing 737 Max, Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen dhammaan 157 qof ee saarnaa bishii Maarso 2019. Shil kale oo caan ah waa kii Malaysia Airlines Flight 370 taas oo la waayay March 8, 2014 oo ay la socdeen 227 rakaab ah iyo 12 shaqaale.

Inkastoo inta badan shilalka diyaaraduhu ay yeelan karaan sababo isbiirsaday laakiin sababaha ugu caansan uguna waweyn waa 5-taan.

1: Khaladaadka aadanaha

Khaladaadka waxaa ka mid ah daalka shaqada ee duuliyaha, walbahaarka maskaxda, iska indho-tirka ama go’aan qaadasho la’aan degdega ah oo saxan taas oo sababi karto shilal.

Sriwijaya Air SJ-182 ee Indonesia oo Janaayo 9, 2021 burburtay oo ay ku dhinteen 62 qof, ayay warbixinta baaritaankii ka soo sheegtay in shilka uu sabay laba sababood.

A: Qiiqu waa dhibaata sababta ceejinta (qalabka koontaroolaya nidaamka shidaalka ama awoodda injiinka, laakiin tan labaad waa duuliyaha oo aan qaadin tallaabo degdeg ah oo sax ah ka dib markii uu arkay calaamado badan oo qaldan ah ka hor duulimaadka.

2: Khaladaadka dhanka farsamada

Khaladaadka farsamada ayaa dhici kara, inkastoo ay yar yihiin marka marka la barbardhigo khaladaadka aadanaha, laakiin way dhacaan. Ciladaha dhaca waxaa ka mid ah kuwa dhanka korontada ah.

3: Dhibaatooyinka la xiriira cimilada

Roobab culus, onkod iyo duufaano kale oo ay weheliso dabayl ayaa sababa shilal diyaaradeed

Sida laga soo xigtay Gloria Kulesa oo ka tirsan Hay’adda Xakamaynta Hawada ee Maraykanka, cimiladu waa qodobka ugu badan ee wax ka geysta dhammaan shilalka diyaaradaha ilaa 23% – oo ay ku jiraan shilalka waaweyn iyo kuwa yaryar – adduunka oo dhan.

Roobab culus, onkod iyo duufaano kale oo ay weheliso dabayl ama saamaynta barafka ee baalasha ama dhabarka diyaaradda ayaa ka mid ah sababaha ugu xun ee shilalka.

Waxay sheegeen inay aad dhif u tahay in cimiladu kaligeed ay keento shil diyaaradeed.

4: Luminta xiriirka raadaarka

Raadaarka hagidda diyaaraduhu waa saldhigga duulimaadka iyo soo degista diyaaradda. Waxay duuliyaha siisaa jihayn iyo hagitaan si uu u duulo waxayna la socotaa hab-dhaqankiisa mar kasta inta uu hawada ku jiro ilaa uu soo degayo.

Waa isku xirka aasaasiga ah ee isgaarsiinta inta lagu jiro duulimaadka haddii ay tahay rakaab ama xamuul.

Haddii uu jiro qalad isgaarsiineed waxaa aad u sarreeysa suurtagalnimada ah in diyaaraddu shil gasho.

Dhowr jeer ayey dhacday in diyaaraddu ay lumisay xiriirka raadaarka. Qaar dhib ma gaystaan, qaarna waxay geystaan ​​waxyeello.

5: In la weeraro ama la qabto

.

Weerarkan waxaa laga yaabaa inuu yahay mid hubka loo adeegsado sida gantaalada ama waxa uu noqon karaa mid makhluuqa ka yimaada sida shimbiraha waaweyn ee hawada sare duula.

Xayawaanka sida shimbiraha, weerarradoodu waxay keenaan waxyeelo yar, waxaa jira shimbiro khatar ku noqday badqabka diyaaradda iyo duuliyaha.

Mid ka mid ah shirkadaha caymiska ee caanka ah ee Maraykanka, oo la yirahdo Xinsurance, ayaa sharraxaysa in 1990 ilaa 2020, ay jireen warbixino sheegaya in 74 diyaaradood Maraykanka oo keliya kuwaas oo u burburay sababo la xiriira weerar kaga yimid dhanka shimbiraha, gaar ahaan diyaaradaha yaryar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here