Doorashadii Ina Cigaal ee Boorame kadib dhamaan, Siyaasiyiinta caanka ahayd ama khibradda lahayd ee Beesha Garxejis waxay qaadeen talaabo khaldan oo ay Xamar ku aadeen, waxay ka tageen Beeshii oo ay dagaal geliyeen, islamarkaana aan haysan hogaamin u dhiganta tii Madaxweyne Cigaal.
Firaaqaas Siyaasiineed wuxuu fududeeyey in Xukuumad walba Beesha ay ka Maqaarsaarto qof ay u aragto inay danaheeda ku fushan karto, islamarkaana aan lahayn han hogaamineed.
Madaxweyne Rayaale wuxuu maqaarsaaray Faysal Cali Waraabe iyo kuwo Ururkii UDUB dumaali kari waayey.
Xukuumaddii Siilaanyo waxay maqaarsaaray Cabdiraxmaan Cirro oo sahankii u soo sheegay inuu yahay in macaan oo la wadan karo, khibrad Siyaasadeedna lahayn.
Madaxweyne Muuse Biixi oo mudo sahan ku jiray wuxuu ku khasaaray Dr Gaboose oo u muuqda inuu isagoo aan raad-dhaqaajin uu fashilmayo.
KAALINTA GARXEJIS EE SOMALILAND:
Beesha Garxejis waa tiir kamid tiirar Somaliland, marka loo eego taariikhda, dhaqanka, dhaqaalaha, degaanka, halgamadii la soo maray iyo Hogaaminta dalka, waxay hormuud ka ahaayeen gooni-isutaagii Somaliland oo Cabdiraxmaan Tuur gadh-wadeen ka ahaa.
Garxejis degaamadoodii TAAKO laga qaadin, shacabku sidoodii ayey howshoodii iyo nolol maalmeedkooda u wataan, waajibaadkoodiina u gudanayaan, laakiin waxaa fashilmay oo kaalintoodii hogaamineed ee ay dalka ku lahaayeen gabay, kana leexday dariiqii saxda ahaa waa Siyaasiyiinta, (Siyaasiyiin fashilmay oo asalkoodii la soo maqaarsaaray ayaa Beesha ku meeraysana).
MAXAA GARXEJIS LA GUDBOON:
Beelweynta Garxejis waxaa u taallo inay kala doortaan inay ku meehanaabaan Hogaan loo Maqaar-saaray iyo inay fursadan uga faaiideystaan inay kula soo baxaan Xisbi iyo Hogaamiye Reer Somaliland oo dhan si cadaalad ah u hogaamin kara, fursadaas oo ah inay xooga saaraan sidii ay naf iyo maalba ugu soo saari lahaayeen URUKA REJO IYO GUDOOMIYE CABDILAAHI AXMED DAHAB.
Waxaad gaarteen waqtigii aad ka dareeri lahaydeen Cabdiraxmaan Cirro iyo odayaasha kula shurkadda ah in dhaqaalihiina, xoogiina iyo karaamadiina lagu lunsado reer hebel iyo Madaxweyne Muuse Biixi baan dagaal kula jira, iyo maalinba shir yar oo af xisbi ku hadlaya.