Gudoomiyaha ururka Barwaaqo Dr.Gaboose ayaa la shaaciyey inuu dib ugu laabtay cusbitaalkiisa Haldoor oo uu dib uga bilaabay shaqadii uu hore u shaaciyey inuu ka nastay.
Fariin ogaysiis ah oo shacabka Somaliland loo dhexmariyey shirkadaha isgaadhsiinta ayaa lagu yidhi:-
“Dr. Gaboose waxa uu ogaysiinayaa dhamaan bulshoweynta inuu shaqadii dib uga bilaabay cusbitaalka Haldoor ka dib codsi badan oo uga yimid bukaanadii cusbitaalka soo bookhanayey, waxa kale oo uu cusbitaalka ka fulin doonaa dhamaan qaliinada neerfaha sida xididada, xangullada, maskaxda iyo lafdhabarta”
Dr. Gaboose oo dhowaan aasaasay Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa cadaadis siyaasadeed la kulmay kadib markii lagu eedeeyey in uu Madaxweyne Muuse Biixi uu dabadda ka riixayo, taasoo si weyn wax u yeeshay sharaftii iyo sumcaddii uu ku lahaa Somaliland, waxaana beryahanba laysla dhexmarayey inuu dib uga noqonayo Siyaasaddii iyo Ururnimaddii, kadib markuu qiimeeyey khasaaraha iyo sumcad dhaca ka soo gaaray Aasaasida iyo hogaaminta Ururka.