Sida laga wada dheregsan yahay 30-kii sano ee burburka Saldanadii balaarnayd ee Beesha Maxamuud Barri waxay noqotay mid dad badani wax ka tirsanayaan, beelaha qaarkood Garaado ka sameysteen.
Maanta mar haddii Garaad dhintay beesha labo talo ayaa u taal:
- In saldanadaas Garaad Saleebaan Garaad Maxamed lala aaso oo aanay ka dambeynin oo halkaas lagu soo afjaro.
- Ama in si cadaaladda loo siiyo Ilma Garaad Saleebaan, ninkii xaqa u leh ee ilaahay iyo umaddiisa xaq dhowraya, amaanadana siday tahay uga soo baxaya.
Haddii labadaas midna la diido oo koox yar oo Axmed Karaash, Saadiq Abshir iyo wax la halmaala ay cid soo maqaarsaaraan, waxay soo saaraan cidna Garaad u noqon maayo, beeshana ma metelo, waana maqaarsaar shisheeyo loogu adeegayo.