XASAN SHEEKH OO KA QAYBGELAY KULANKA SHIINAHA IYO CARABTA

china and arab summit

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Riyadh ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa ka qaybgalay shirka Shiinaha uu la leeyahay Madaxda Waddamada Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Sacuudiga in uu kulama kala duwan la qaato doona masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika ee shirkaas qeybta ka ah.

Xasan ayaa madaxda uu la kulmayo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Bani-aadamnimada iyo deyn cafinta, maadaama ay madasha ku sugan yihiin qaar kamid ah waddamada deynta ku leh Soomaaliya.

Hoggaanka Shiinaha ayaa si weyn u daneynaya in dalkiisa uu xiriir Ganacsi iyo mid amni la wadaago waddamada Carabta iyo Afrika si meesha looga saaro dowladda Mareykanka oo la rumeysan yahay inay awood ku leedahay.

Shiinaha ayaa lagu wadaa in uu ballan-qaad u sameeyo waddamada Carabta iyo Afrika si u sameeyo soo jiidasho uu ku xoojin karo cilaaqaadka uu doonayo in uu la yeesho waddamadaan intooda badan u janjeera Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here