Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna la wadaagay xaaladda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga shacabka, gaar ahaan, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.