ISKAASHIGA HUBKA EE RUUSHKA IYO IRAN OO GALBEEDKA KA NIXIYEY

Vladimir Putin russia iyo Ebrahim Raisi iran

Xiriirka labada dal ee Ruushka iyo Iran, ayaa haatan waxaa kusoo kordhay iskaashi difaac oo dhamaystiran, sida uu sheegay Maraykanku.

Ruushka ayaa waxa uu siinayaa taageero militari oo aan horay loo arag dowladda Iran, ayuu yiri afhayeenka golaha amniga qaranka Mareykanka, John Kirby.

Dowladda Maraykanku ayaa waxey heshay warbixino sheegaya in labada dal ay ka fikirayaan, inay si wadajir ah u soo saaraan diyaaradaha wax gumaada, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Iskaashiga u dhexeeya Ruushka iyo Iran, ayaa si weyn usoo shaac baxay dhawaan, iyadoo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inay weerarradeeda u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Iran ayaa markii hore beenisay inay wax diyaarad ah u dirtay Ruushka, balse markii dambe waxay qiratay inay siisay qaar, ka hor inta aan lagu qaadin duullaanka dalka Ukraine.

Kirby ayaa sheegay in iskaashiga Iran iyo Ruushka ee soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay dhibaato ku noqon doonto Ukraine, dalalka deriska la ah Iran, iyo beesha caalamkaba.

Afhayeenka, ayaa carabka ku dhuftay in “Ruushka uu dadaal badan ku bixinayo inuu Iran kala shaqeeyo dhinacyada horumarinta hubka, tababarka,”

Wuxuu intaa ku daray in Maraykanku uu ka baqayo in Ruushku “uu doonayo in uu Iran siiyo qaybo milatari oo aad u horumarsan” oo ay ku jiraan helikobtarrada iyo nidaamka difaaca hawada.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Kirby, xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, James Cleverly, ayaa wuxuu sheegay in Iran ay noqotay mid kamid ah taageerayaasha ugu weyn ee Ruushka, xiriirka ka dhexeeyana uu khatar ku yahay ammaanka caalamka.

Xoghaye James, ayaa tilmaamay in “Heshiiska xun” ee labada dal uu keenay in Iran ay boqolaal diyaaradood u dirto Ruushka.

Wuxuu ku nuux nuux sadey xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska in “Taas beddelkeeda, Ruushku uu taageero milateri iyo mid farsamoba siinayo taliska Iran, taasoo kordhin doonta khatarta ay ku hayso saaxiibada ay ku leeyihiin Bariga Dhexe iyo ammaanka caalamiga ah,”. 

Waxa uu sheegay in UK ay ku raacday Mareykanka in taageerada Iran ay siineyso ciidamada Ruushka ay kor u kacayso bilaha soo socda, iyadoo Ruushka uu isku dayayo inuu keensado hub badan, oo ay ku jiraan boqolaal gantaalada balaastikada ah.

Ukraine ayaa waxay ku eedaysay Iran inay siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Kamikaze” ee loo adeegsaday weeraro xiriir ah, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof 17kii Oktoobar.

Iran ayaa markii hore beenisay arrintan, laakiin markii dambe waxay qiratay inay “tiro xaddidan” u dirtay Ruushka “bilo kahor” inta aanu bilaaban duullaanka lagu ekeeyey dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in arrintaasi ay been tahay, isla markaana Ukraine ay soo riday ku dhawaad 10 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here