Muddo kordhinta loo sameeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa abuurtay hadalhaynta inuu Madaxweynuhu Xukuumadiisa ku sameyn doono Isbedel balaaran, kaas oo saameyn doono xubno muddo 5 sano ah kursiga ku fadhiyey, iyadoo siyaasiyiinta isku shaandheynta weyn filayaa ay bilaabeen muranka xubnaha fashilmay ee birtu saaran tahay.
Wasiiradda fashilmay ee badanaa laysku raacsan waxaa ugu horeeya Wasiirka Xanaanadda Xoolaha SICIID SULUB MAXAMED, oo loo aqoonsan yahay inuu ku guuldareystay inuu wax saameyn ah ku yeesho siyaasada dhamaan degaamada iyo dadka uu ka soo jeedo. Fashilkani Siciid Sulub kuma eka ee waa mid ay la qabaan dhamaan xubnaha isla degaamadaas xukuumadda kagaga jiraa.
Durba waxaa goobaha fadhi-ku-dirirka ka bilowday mala-maleynta iyo kala-naqeynta siyaasiyiinta bedeli kara, waxaana laysla dhexmarayaa oo soo duul-duulaya siyaasiyiin iyo magacyo badan, kuwaas oo lagu qiimeynayo saameynta, xiriirka iyo wadashaqeynta ururadda cusub iyo doorashadda Xisbiyadda.
Wasiiradda kale ee inay fashilmeen sida weyn laysugu raacsan yahay waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta, SALEEBAAN YUUSUF CALI KOORE oo dadka badankiisu aaminsan yihiin, in marka laga yimaado taageero la’aanta degaamadiisa ay hadaladiisa aan loo miidaan deyeynin ay waxyeelo ku yihiin sumcadda Somaliland, iyadoo markii ugu dambeysay uu Muuse Biixi raaligelin ka bixiyey, hadalo uu kala dul dhacay dad dhibi soo gaartay.
Magacyadda dadka dhex wareegaya ee bedelka Wasiir Saleebaan ayaa waxa ugu horeeya NIN GANACSADE OO LAGU MAGACAABO CABDIKARIIM SICIID AW CABDI, halka Maxamed Kaahin oo ah dhaxalsugaha Xisbiga Kulmiye uu muddo aad u doonayey in la magacaabo Siyaasiga BAASHE CALI JAAMAC oo taageero xoogan Somaliland ku leh.
Dhanka kale Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa qaba in dhamaanba la bedelo dadkii 5 sano Madaxweyne dhinac fadhiyey, maadaama aanay waxba ku soo kordhin waayeen dalka iyo xisbigaba, waxayna Madaxweynaha ka rajeynayaan inuu xilka meerto ka dhigo, oo xubnaha kale ee Xisbiga fursad la siiyo, haday taasi dhici weydo siyaasiyiin badan baa ka quusan doona Xisbiga Kulmiye, kuna wareegi doona Ururadda cusub.
Sikasta Madaxweyne Muuse Biixi ayaan looga baran isbedel balaaran, waxaana dad badani aaminsan yihiin inuu la mid noqon doono kuwii hore, uuna ka koobnaan doono dhowr Agaasime Guud, kominshan, Maareeye, labo wasiir oo laysku bedelo iyo Badhasaab.
Isbedelka xukuumadda ayaa la saadaalinaya inuu dhici doono dhamaadka bishan ama bilowga sanadka cusub.