Ruushka ayaa qaaday mowjado kale oo duqeymo cirka ah, kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayo guud ahaan dalka Ukraine.
Qaraxyo ayaa ka dhacay magaalada caasimadda Kyiv; Shirkadda tamarta ee Ukraine, ayaa sheegtay in magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Kharkiv ay gebi ahaanba koronto la’aan tahay.