Wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, isla markaana mansabyo kale kasoo qabtay xukuumaddii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Siilaanyo Prof. YUUSUF Cismaan Garas nasiib darro ku tilmaamay hawlgalka hubaysan ee ay xukuumaddu ku laysay mudaharaadeyaal si nabad ah uga dhiidhinaya amni darrada iyo dilalka qorsheysan ee haldoorka gobolka lagu beegsanayo, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay xaq u leeyihiin muujinta dareenkooda, taas bedelkeeda’se ay maamulka heer gobol iyo heer qaranba rasaas nool kaga jawaabeen.
EX-wasiir Yusuf Osman Garas oo caawa farriin kooban ku daabacay degelka uu ku leeyahay Facebook-ga, ayaa xukuumadda ugu baaqay in shuruud la’aan ay ciidammada Hubaysan iyo tiknikadaba kaga dhex saarto magaallada isla markaana xal aan ahayn xabbad ay ku dejiso xaallada kacsan ee bulshada gadoodsan.
“Reer Laascaanood waa laga gardaran yahay”, sidaas ayuu yidhi Yuusuf Garas, waxaanna uu intaa ku ladhay “Xabadii xal maaha. Reer laascanood waa laga gardaran yahay, waar hooy ha laga daayo kibir ka iyo Gardaradda qaawan”. Ayuu Mr. GARAS kusoo koobay qoraalka uu Facebooka ku daabacay.