DIGNIIN KU SOCOTA HALGAMEYAASHA SSC IYO KHIYAAMOOYINKA CADOWGA

SSCGENOCIDE

Waxaa shacabka u halgamaya midnimadda Soomaaliyeed ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn kacdoon ka wada la ogeysiinayaa, in maamulka SNM ee uu hogaamiyo Gacankudhiigle Muuse Biixi Cabdi ay goaansadeen inay isticmaalaan khiyaano kasta oo kacdoonka lagu joojinayo, kadib markii XASUUQII IYO CABSI gelintii u shaqeyn weyday.

Waxaa la soo maleegay khiyaamooyin hor leh, iyadoo la soo adeegsaday dad aydin ka filayn.

Qorsheyaasha cusub waxaa ka mid ah:

  1. Kacdoonka joojiya oo Dhulbahante ha shiro oo tallo mideysan ha yeesho.
  2. In Dib laydiinku Isticmaalo Isimadii idinka qudhaabka doontay ee 20 sano Reeraha kale ee dhinacyada idinka xiga hoos fadhiyey, oo la yiraahdo isu kaalaya oo wax ku heshiiya waana la ogyahay in aanay isku imaanayn waxna ku heshiinayn.
  3. Dhaqaale farabadan oo Cuqaasha iyo Isimadaba la siiyo.

WAXAA DHAMAAN HALGAMEYAASHA KACDOONKA IYO HALGANKA SSC LA XUSUUSINAYAA:

  1. Inaan Kacdoonkiinu tallo iyo Goaamo isimo ku bilaaban ee uu rabitaankiina ku bilowday.
  2. Inaydaan waqtigan shir iyo isimo isu yimaada u baahnay, halgankii ayuu dhaawacayaa.
  3. Inaad Jihaadka wadaan ilaa aad Jamhadda SNM degaamadiina ka saaraysaan, qofkii idinka dhinta waa shihiid, iyagana waa daalin, wuxuuna boog iyo dhimasho ku yahay SNM iyo maleeshiyadeeda, sidoo kale wuxuu soo afjarayaa Dawlad baan nahay iyo aqoonsi baanu doonaynay.
  4. Halgameyaal waxaad dahaarkii ka qaadeen kuwii ciilka qabay ee ku hamiyayey inay mar uun cadaawada ay Soomaalida u qabaan idinka jaraan oo idiin xasuuqaan.
  5. Ilaa aad Maleeshiyada iska saartaan, shirar aan laydiinku taageerayn, Isimo tuug noqday oo waqtigii adkaa idinka tegay, Caaqil, Horgal, Caadaqaate iyo koofiyad bacle waa cadowgiina iyo gunimadiina umana baahnidin, taladooda ha dhegaysanin, hana la hadlina gunimo ayey doorteene.

GUUL IYO GOBANIMO SSC.

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here