Shacabka SSC isagoo midaysan wuxuu umadda Soomaaliyeed u sheegaya in hadal uu maanta oo bishu tahay 02.12.2023 Madaxweynaha Puntland ka jeediyey Xasuuqa Maleeshida SNM magaalada Laascaanood ka wado uu ahaa Munaafiqnimo aan daacad ka ahayn oo uu u soo dhiibay Gacankudhiigle Muuse Biixi.
Siciid Cabdilaahi DENI waa cadow Soomaaliyeed oo ku caanbaxay inuu lugta jiido horumarka, midnimadda iyo wadajirka Soomaaliyeed, sidoo kale cadowga Soomaaliyeed adeegsadaan, halka shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin dad ku caan baxay halgankii Gobanimadda Soomaaliyeed, diin, horumar iyo midnimo Soomaaliyeed jaceyl, sidaasdarteed isku dariiq, aragti iyo hadaf ma noqon karaan.
Shacabka SSC waxay umadda Soomaaliyeed cadeynayaan in halganka iyo kacdoonka Laascaanood ka socdaa uu yahay mid ay midnimadda Soomaaliyeed ee Awooweyaashood u soo dagaalameen ku ilaalinayaan, islamarkaana ay ku diidan yihiin gooni-u-goosatada ku ciyaaraysa dhaxalkii Awooweyaashood, Siciid Cabdilaahi DENI shuqul kuma lahaa, HADALKA UU KU HADLAYNA WAXAA XALAY U SOO DHIIBAY HOGAAMIYAHA GOONI-U-GOOSATADA SNM MUUSE BIIXI, waxayna doonayaan inay kacdoonka shacabka ay khilaaf Maamulo u ekaysiiyaan.
Deni Umadda Soomaaliyeed baa nacday, mar haddii ilaahay umaddiisii nacday, ilaahayna ma jecla, shacabka SSC nin ilaahay iyo umaddiisii naceen hoodadadiisa, lugooyadiisa, hadalkiisa iyo khiyaandiisa ma rabaan, waxayna ka codsanayaan inuu hagardaamada ka daayo SSC iyo Soomaalidaba.
HALGANKANA WAA WADAYAAN ILAA GOONI-U-GAASATADU DARIIQA SAXDA KU SOO DHACAY.
GUUL IYO GOBANIMO SCC
#SSCGENOCIDE
DAAWO HADALKII DENI: