MUUSE BIIXI OO BALANQAADAY DHAQAALE IYO QORSHE LAGU KHALKHALIYO BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

muuse biixi iyo maareeye

Hogaamiyaha Maleeshiyadda xasuuqa ka wada Magaaladda Laascaanood Muuse Biixi Cabdi ayaa saacadihii ugu dambeeyey khadka Telefoonka kula xiriirayey xubnaha degaamadiisa kaga jira Goleyaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay isku hortaag iyo khalkhalin ugu sameeyaan Gudi Gaar ah oo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya u Magacaabay inay ka soo taliyaan Xasuuqa Laascaanood ka socda.

Xubnaha uu Muuse Biixi khadka telefoonka kula shiray oo u badnaa Beelaha Habar-Awal iyo Habar-Jeclo ayuu u balanqaaday inuu saacadaha soo socda soo gaarsiin doono dhaqaale kasta oo ay u adeegsanayaan xagal-daacinta gudiga iyo Hawlaheeda.

Muuse Biixi ayaa xubnaha labada aqal ee Federaalka ku booriyey in la soo gaaray waqtigii ay ka qaybqaadan lahaayeen gooni-isutaagga, maadaama Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maalinba maalinta ka dambeysa soo xoogeysaneyso.

Xubnaha ayaa wacad ku maray inay fashilinayaan dhamaanba hawlaha Gudiga Gaarka ee Baarlamaanku u saaray Xasuuqa iyo tacadiyada Laascaanood ka socda.

Xubnaha Dawladda Federaalka ugu jira Goboladda Waqooyi Galbeed iyo Togdheer ayaa lagu xantaa in aanay daacad u ahayn midnimadda Soomaaliyeed, nabadgelyo taam ah oo Muqdisho ka dhacda iyo xoogeysiga Dawladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here