INA HUMBANI MUXUU HUMBANI URURSADAY SOMALILAND DAD MA HAYSO

fadlan igu shubo

Horgale Saleebaan Yuusuf Humbani oo Jamhadda SNM ugu qoran Wasiirka Warfaafinta oo beryahan ku gadoonsanaa Magaaladda Laascaanood, ayaa xalay TV Jamhadda ee la yiraahdo Somaliland TV ka sii daayey, qaar ka mida shaqaalaha, dad baadiye laga ururiyey oo 30 dollar iyo dad Humbaniyiin oo garashadoodu hooseyso ku sheegay Madax-dhaqameed Beesha Maxamuud Barri.

Arintaasi waa Been abuur, Madaxdhaqameed iyo Cuqaaltoona maaha, Garaadkii Guud ee Maxamuud Barri waa kii shacabka ugu baaqay Jihaad ka dhan ah gooni-u-goosatada, Ficiladda noocan ah ee been abuurka ahi waxay muujinayaan sida shacabka SSC iyo Jamhadda SNM u kala fogyihiin.

Waxaan shacabka SSC ee u Halgangamaya midnimada Soomaaliyeed iyo Wadajirka Islaamka u sheegayaa inaad arki doontaan dad badan oo hunguri qaatay oo la mid ah kuwii shalay Saleebaan Yuusuf Humbani Saxaafada ka sii daayey.

WAXAAN IDIINKA CODSANAYAA INAYDAAN NIN GUNIMO DOORTAY AYDAAN GUNIMO KULA TARTAMIN, OO HALGANKA WADAAN, ILAA AAD DEGAAMADIINA KA SAAREYSAAN GOONI-U-GAASATADA SNM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here