Halgameyaasha, Xoogga Kacdoonka iyo dhamaan Shacabka Goboladda SSC, waxaan ogeysiinaynaa, in 24 saacadood ee igu dambeeyey uu cadowga Dhulbahante shirar badan ka yeeshay Hogaanka cusub ee SSC loo magacaabay iyo kacdoonkaba.
Shirar ka dhacay Hargeysa, Garoowe iyo qaar qurbejoogta ka mid ah, waxaa lagu heshiiyey in shacab kala qaybintiisa loo adeegsado Hogaanka SSC looma dhama oo wuu gaar yahay dadka qaar gaar ahaan waxay si gaar ah u soo qaateen Garaadka Guud ee Reer Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali.
Waxaan idiinka digayaa, Inaad iska jirtaan dabinadda cadowgu idiinku kala qaybinayo, waxkasta oo hogaanka cusub ka khaldan waxaad ka hadli doontaan marka la guuleysto, maanta cududiina iyo caqligiina sida jamhadda SNM hal meel how wadajeesto, CABDIRAXMAAN CIRRO IYO FAYSAL CALI WARAABI OO SHALAY DADKOODII LA XASUUQAY MAANTA WAA KA RAALI WAXA MUUSE KA WADO LAASCAANOOD.
WAXAAN U SHEEGAYNAA SHAQSIYAADKA DULOOBAY EE CADOWGOODA U YAQAAN GARAAD JAAMAC GARAAD CALI, IN WAQTIGOODII DHAMAADAY, HALGANKANA LOO MIDAYSAN YAHAY, DHULBAHANTENA WAA MID QURA ILAA LAGA SAARAYO MALEESHIYADA DADKA XASUUQAYSA.
Cadowgu wuxuu kale oo isku raacay in Dhamaan Isimadda SSC lagu qalqaaliyo inay LAASCAANOOD isugu yimaadaan, dabadeedna khasab lagula xaajoodu, iyadoo marka ugu horeysa loo soo dirayo Isimadda SNM, dabadeedna Beesha Caalamka iyo Soomaaliyana laga dhaadhiciyo in arrintu tahay mid Reer Somaliland u dhexeysa oo ay iyagu ku filan yihiin inay ka wadahadlaan, Dabadeedna waxaa la mari doonaa wadadii Pro Cali Khaliif Galaydh lagula dhaqmay, taas oo u calaacalayey ilaa intii ay naftu dhaafeysay ilaahay how naxariistee.
Waxaan Isimadda uga digaynaa Horgallada qarsoon ee ku qalqaalinaya inay Maamulka SNM gacanta u geliyaan, maqnaanshaha Isimadda waa caqabadaha Jamhadda SNM haysta, Laascaanood kaalaya waa qorshe Somaliland loogu daneynayo, kii Laascaanood tagaana waa horgal silloon.
Ugu dambeyn waxaan Qurbejoogta SSC u sheegaynaa inay iska fogeeyaan kuwa Goleyaashiina ku jira ee la wareegaya Hogaanka cusub looma dhama, kuwaas waxaa loo soo xilsaaray inay curyaamiyaan dhaqaalaha aad kacdoonka u ururinaysaan.
HALGANKA AAD XASUUQA KU JOOJINAYSAAN WAA WAAJIB IDIN SAARAY.
Fadlan faafi
#SSCGENOCIDE